Fred Harter oo ah Tifafatiraha wargeyska African Report oo xaruntiisu tahay Washington D.C ayaa waxa uu ku sheegay cadadkiisii soo baxay shalay oo ahayd Khamiis, August 4, 2022 in diblomaasi sare oo shisheeye ah uu u sheegay in Somaliland ay ku helayso aqoonsi caalami ah 10 sanno gudahood.
African Report iyo Fred Harter, midna ma ay sheegin waddanka uu u dhashay dibloomaasiga, laakiin diblomaasiga ayaa hadalkiisa sii raaciyey in mudadadaas ay faa’iido u tahay Somaliland, sababta oo ah hay’adaha ka dhisan Somaliland waxay ku helayaan waqti dhaqaale oo ay ku horumariyaan waddankooda.
Sarkaalka oo waqtiga uu warbixintan siiyey joogay Washington D.C, ayaa u sheegay Fred Harter, in haddii aan muddadaas loo qabanin Somaliland, ay isku dilayaan dhaqaalaha ka imanaya wadamada deeq-bixiyayaaaha, Baanka Adsuunka iyo IMF, sidaa daraadeed muddada tobanka sanno ah ay ku jirto danta Somaliland.
Fred Harter, waxa uu ku sheegay warbixintiisa, inkasta oo madaxda Somaliland jecel yihiin horumarinta dimuqraadiyadda waddankooda, in haddana ay isla iyaga ay ku yihiin caqabad madaxbannaanida Somaliland.
June 2022, Somaliland waxa ay ka mamnuucday waddankooda inbay ka hawlgalaan BBC, kadib markii BBC-du sheegtay in aanay ku qaban doonin Hargeisa, sannad-guurada 65aad ee aasaaska idaacadda BBC, sababo la xidhiidha ammaanka awgeed.
Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xaquuqda dumarka aan laga qadarin Somaliland. Hal dumar ah oo keliya ayaa ku jirta Golaha Wasiirrada Somaliland, halka dhinaca baarlamaanka aanay ku jirinba wax dumar ah.
December 2020, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxay mamnuucday in ay ogolaato ciyaar dhexmari lahayd hablaha Somaliland iyo hablaha reer Djibouti, iyaga oo ku dooday in ay ka soo horjeedo dhaqanka diinta Islaamka.
Sida ay sheegtay Ammuun Qawdhan oo soo qabanqaabisay ciyaaraha kolayga,ayaa waxa ay sheegtay in markii hore dawladda ay oggolaatay in ciyaartaas ay ka qabsoonto Hargeisa, laakiin ay dib u mamnuucday 3 saacadood dabadeed.