Wefti culus ka socda millateriga Itoobiya oo socdaal ku yimi Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Wefti sare oo ka socda millateriga dalka Itoobiya, ayaa socdaal ku yimi caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee maanta.

Weftiga oo uu horkacayo Hoggaanka Wardoonka Ciidammada Faderaalka Itoobiya Jeneraal Berhanu Kebede iyo saraakiil sare oo millateri oo uu wehelinayey Safirka dawlada Itoobiya u fadhiya Hargeysa, ayaa la sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho sii xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda iyo Itoobiya oo xuduud dheer wadaaga.

Weftiga waxa Madaarka Hargeysa oo ay ka soo dageen galabta si diirran ugu soo dhoweeyey saraakiil sare oo ka tirsan millateriga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu horkacayey Abbaanduulaha Ciidammada Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo ay wehelinayeen Hoggaannada Hawlgelinta iyo Xidhiidhka Dibadda ee Ciidanka Qaranka.
Weftiga ka socda taliska millateriga Itoobiya, ayaa kulan heerkiisu sarreeyo la yeelan doona Taliyaha Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.

Saraakiisha millateriga Itoobiya iyo Somaliland, ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan xaaladda guud amniga mandaqadda iyo sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen adkaynta ammaanka xuduudka.

.