Qaab la yaab leh oo uu u dhacay dilka Ayman Al-Zawahiri

Washington -(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka Mr. Joe Biden, ayaa shaaca ka qaaday in ciidammada dalkiisu duqayn dhinaca cirka ah ku khaarajiyeen hoggaamiyihii ururka Al-qaacida, Ayman Al-Zawahiri.
Madaxweyne Biden oo warfidiyeennada kula hadlay Aqalka Cad xalay, ayaa ku dhawaaqay in ciidammada Mareykanku hawlgal qorshaysan ku dileen Ayman Al-Zawahiri xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul habeennimadii Axaddu soo gelaysay.
Hawlgalka lagu dilay Al-Zawahiri oo muddo dhowr bilood ah la diyaarinayey, isla markaana ay fulisay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, ayaa ka dambeeyey kadib xog laga helay qaab-dhismeedka guriga uu ku noolaa hoggaamiyaha ururka Al-qaacida.
Saraakiisha Maraykanka, ayaa la sheegay inay heleen xog sugan oo ku saabsan naqshadda uu u dhisan yahay guriga uu deganaa Al-Zawaahri, taas oo fududaysay dilkiisa, kadib markii nuqul ka mid ah naqshaddaas loo gudbiyey Aqalka Cad oo amray hawlgalka lagu khaarajiyey oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka loo yaqaan.
Qaab la yaab leh oo uu u dhacay dilka Al-Zawahiri:
Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay in Ayman Zawahiri oo taagnaa daaradda guri ammaan ah oo uu kaga noolaa caasimadda Kabul ay si lama filaan ah diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ugu tuurtay laba gantaal.
Wararka ayaa tibaaxay in gantaalku si toos ah ugu dhacay Zawahiri oo halkiisa taagan.
“Goobta waxa ku sugnaa xubno kale oo ka tirsan qoyska Ayman Al-Zawahiri, balse qof kale waxba kuma noqon weerarka, hoggaamiyaha Al-qaacida kelidii ayaana ku dhintay halkaas,” ayey yidhaahdeen saraakiisha Maraykanku.
Ayman Al-Zawahiri, ayaa hoggaaminta Al-qaacida la wareegay, kadib markii aasaasihii iyo hoggaamiyihii koowaad ee ururkaas Osama Bin Laden sidan oo kale ciidammada Mareykanku ugu dileen hawlgal ay ku beegsadeen guri uu ku noolaa oo ku yaallay dalka Pakistan sannadkii 2011kii..