Hargeysa-(Berberanews)-Diyaaradaha dagaalka Ciidamada Badda Maraykanka ( United States Navy )- ayaa waxa ay duulimaadyo badan ku tagayeen Berbera, Jamhuuriyada Somaliland labadii maalmood ee u dambeeyey.
Diyaaradahan KC- 130 ayaa waxa ay ahaayeen diyaaradaha dheereeya ee Blue Angel.Diyaaradahan oo hore uga iman jiray Djibouti, ayaa ka yimid saldhiga Incirlik Air Base, oo ah saldhig ay Maraykanka ku leeyihiin Turkiga, inkasta oo ay saacad joogeen Djibouti.
Warkan ayaa markii ugu horaysay waxa sheegay Gerjon, waxana ka faalooday Mary Harper, oo ah madaxa idaacada BBC.
Isla warkan ayaa waxa sheegay ADS-B Exchange, oo xarunteeda ay tahay magaalada Fountain Hills ee gobolka Arizona.
80% duulimaadyada ayaa waxa ay u dhaxeeyeen dhulka u dhaxeeya Dhaymoole iyo Berbera, halka 20% ka soo hadhay duulimaadyada ay ku dhamaadeen Berbera- Zeila.
Sources by Ahmed Aden