Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Korontada oo heshiis ka gaadhay muranka laydhka

Hargeysa  -(Berberanews)-Warar xogogaal ah ayaa xaqiijiyey in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadaha bixiya adeegga korontadu heshiis hordhac ka gaadheen khilaaf cakiran oo in muddo ah ka taagnaa qiimaha dadweynaha lagaga iibiyo laydhka magaalooyinka dalka.

Kulamo maalmihii u dambeeyey u socday Komishanka Tamarta Somaliland iyo madaxda shirkadaha korontada, ayaa layskula qaatay caawa heshiis dhowr qodob ka kooban oo laga gaadhay khilaaf ka dhashay, kadib markii xukuumaddu si adag uga hortimi go’aan shirkaduhu ku kordhiyeen qiimaha laydhka ay bixiyaan.
Qodobadda lagu heshiiyey waxa ka mid ah in qiimaha laydhka shacabku ku iibsadaan 0.73 dollar halka unit.

Sidoo kale, waxa labada dhinac isla qaateen in shirkadaha laydhku hakiyaan qorshahoodii ahaa inay korontada damin doonaan 11:00 cawaysnimo ilaa 4:00 habeennimo laga bilaabo 1 August oo ku beegnayd xalay.

Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u shaaciyo heshiiska laga gaadhay murankii ka taagnaa qiimaha korontada caawa amma gelinka hore ee Salaasada berri haddii Ilaahay yidhaa.