Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka jawaabay dhaliil loo jeediyey

“Cayda iyo been abuurku waxa ay soo hoos gelayaan xuquuqda dastuuriga ah ee inaad hadashid (freedom of speech). Edebta wanaagsan, runnimada iyo Ilaah ka baqu se waa arrimo u gaar ah qofka oo u baahan in lagu soo koriyo iyo inuu barto oo isku ilaaliyo. Anigu waxa aan Diinta Islaamka bartay ka hor intaanan baran B, T, J, X. Inkasta oo aanan jaamacad u gelin, haddana aqoon dheer ayaan u leeyahay Diinta Islaamka oo cimrigayga in badan ayaan geliyay barashadeeda. Inaan xuquuqda aadanah si is-xilqaan ah uga shaqeeyona waxa igu dhiirrigeliyay aayadda Quraanka ee macnaheedu yahay waxa aad tihiin bulsho wanaagga is farta, xumahana iska reebta. Iyo Xadiiska Rasuulka ah (SCW) ee ah dulmiga diida.

Waxa aan aaminsahay inaan dad badan uga dhowahay Ilaahay waayo waxa uu neceb yahay waan iska ilaaliyaa. Waxa uu i farayna waan ku dadaalaa. Sidaas oo ay tahay aadane ayaan ahay oo waan gefi kaaa. Gef kasta oo aan galona Ilaahay baan igala xisaabamaaya. Xidhiidhka aniga iyo Ilaahay naga dhexeeyana ma oga Cali Xadhaadhe. Mana ogaan karo. Mana habboona in qof sheegto sifooyinka Ilaahay mid ka mid ah. Quluubta dadka Ilaahay keliya ayaa og.

Sidaa darteed, aniga oo aan waxba uga qabin fekerka uu dhiibtay, been abuur uu iga sheegay ba ha ahaatee, welina u haya ixtiraamka qof kastaa iga mudan yahay, waxa aan jecelahay inaan si cad u sheego: in mudane Cali Xadhaadhe been cad iga sheegay oo uu ku tiraabay hadal gef ku ah oo aakhiro la waydiin karo, balse aan ka cafiyay oo aanan u qabsan doonin if iyo aakhiro toonaa. Waayo? Weligay habeen ma seexan aniga oo qof uurka wax uga haya oo aan cafiyin.

Uma baahnin inaan is-sharraxo oo aan caddeeyo Islaamnimadayda waayo waan ku dhashay oo ku koray oo waan ku dhiman doonaa, Insha Allah. Balse waxa iga keenay inaan ugu caqli celiyo isaga iyo cid kasta oo kale oo dheel-dheel u haysta Islaamnida iyo wax lagu maago qof aad wax kale isku haysaan.”

Garyaqaan Guuleed Dafac