Taliska Booliska Somaliland oo ka digay muddaharaad mucaaradku abaabulayaan

Hargeysa-(Berberanews)#”Boolisku waxa uu diyaar u yahay qiimo kasta in uu ku xasiliyo nabadda wixii ka yimaadda cidda soo abaabushay ayaa masuuliyadda qaadaysa. Shalay KULMIYE ayaa mucaarad ahaa iyaga oo muddaharaadaya ayey odhan jireen Booliska la shaqeeya. Barigaa KULMIYE in taas qof ayaa ku dhintay oo ku dhaawacmay, iminkana ilaa xadkaa wax gaadhay ma jiraan.

Taliska Booliska Somaliland oo ka digay muddaharaad mucaaradku abaabulayaan

“Boolisku waxa uu diyaar u yahay qiimo kasta in uu ku xasiliyo nabadda wixii ka yimaadda cidda soo abaabushay ayaa masuuliyadda qaadaysa. Shalay KULMIYE ayaa mucaarad ahaa iyaga oo muddaharaadaya ayey odhan jireen Booliska la shaqeeya. Barigaa KULMIYE in taas qof ayaa ku dhintay oo ku dhaawacmay, iminkana ilaa xadkaa wax gaadhay ma jiraan.
Qoladii saamayn ku la hayd xukunka meel ayey wada joogaan, shaqsiyaadkaa waxa aan leeyahay wax u sheega saaxiibbadiin in aanay mucaaradnimadu sidan ahaan jirin.” Sidaa waxa yidhi Taliye-ku-xigeenka Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdi Xasan Mire.