Dawladda Ethiopia: “Diyaar baan u nahay inaanu Tigreega kula hadalno meel kasta”

NAIROBI – (Berberanews)-Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda federalka ee Ethiopia, ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisu diyaar u tahay wadahadallo ay la gasho jabhadda TPLF ee maamula Gobolka Tigray waqti kasta iyo meel kasta oo ay ahaato, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhayn.

Sidaa waxa bartiisa Twitter-ka ku qoray Ridwaan Xuseen oo ah La-taliyaha Amniga ee Ra’iisal-wasaare Abey Ahmed, kadib markii uu la kulmay ergo ka kala socda Qarammada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub gelinkii hore ee Jimcaha maanta, waxana la rajaynayaa inay tallaabadani horseeddo in wadahadal lagu xalliyo colaadda waqtiga dheer soo socotay ee u dhexeysa ciidammada dalka Ethiopia iyo xoogagga TPLF.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press, Ambassador Ridwaan ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uu hoggaamin doono geeddi-socodka wadahadallada, isaga oo codsan kara wixii taageero ah ee uu u baahdo.
Bishii June ayaa lagu dhawaaqay xabbad-joojin si fursad loo siiyo in gargaarka la gaadhsiiyo dadka baahan ee muddada dheer ku go’doonsanaa Gobolka Tigray, waxana labada dhinac ay ku heshiiyeen inay wadahadal rasmi ah yeeshaan si loo soo afrajo colaadda ka dhex aloosan.

Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa markaas ka dib magcowday toddoba xubnood oo dhinaceeda ku metela wadahadallada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda.
Hase ahaatee, madaxda TPLF ayaa soo bandhigay shuruudo hordhac ah oo ay tahay in la meel-mariyo ka hor inta aan si rasmi ah la isu horfadhiisan.

Madaxweynaha Tigrey Mr Debretsion Gebremichael ayaa Salaasadii sheegay, “Haddii dawladda federaalka ay dhab ka tahay in wadahadal lagu soo afjaro colaadda, waxay dib dib u bilaabi lahayd adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolkaas,” isaga oo tixraacaya dhibaatada ka jirta gobolkooda, gaar ahaan dhinaca bangiyada, korontada iyo isgaadhsiinta.