Maraykanka iyo Shiinaha oo isweydaarsaday digniino ku wajahan Taiwan

Washington-(Berberanews)-Hoggaamiyeyaasha dalalka Maraykanka iyo Shiinaha, ayaa midba ka kale uga digay Taiwan, xilli ay ku wada hadleen telefoon qaatay in ka badan laba saacadood shalay Khamiistii.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanku si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu beddelayo maqaamka Jasiiradda Taiwan.

Hase yeeshee, waxa uu intaa ku daray in siyaasadda Maraykanka ee Taiwan aanay waxba iska beddelin.

Beijing ayaa sheegtay in Xi uu u sheegay Biden inuu u hoggaansamo mabda’a ah in Shiinuhu yahay hal dal, isaga oo uga digay in “qofkii dab ku ciyaara uu ku guban doono.”

Xiisadda arrintan ayaa kor u kacday ka hor qorshe la isla dhexmarayo oo ku saabsan in Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka, Nancy Pelosi ay socdaal ku tegayso Taiwan.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa sheegtay in Pelosi aanay ku dhawaaqin wax safar ah, balse Shiinaha ayaa ka digay “cawaaqibka ka dhalan kara” haddii ay sii waddo booqashadaas.

Madaxweyne Biden ayaa u sheegay wariyeyaasha toddobaadkii hore hadal u dhignaa sidan: “Millatarigu waxay u maleynayaan in aanay ahayn fikrad wanaagsan,” laakiin AqalkA Cad ayaa ku tilmaamay hadallada Shiinaha ee ka dhanka ah safar kasta “mid aan faa’iido lahayn oo aan loo baahnayn.”

Guddoomiye Pelosi oo ku xigta dhanka awoodda jagada madaxweynenimada kaddib Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa noqon doonta siyaasigii ugu xilka sarreeyey ee Maraykan ah ee u socdaala Taiwan tan iyo sannadkii 1997, haddii ay ka dhabayso booqashadaas.

Sidoo kale, Biden iyo Xi ayaa  ka wadahadlay qabanqaabada kulan fool-ka-fool ah oo suurtogal ah intii lagu guda jiray wadahadalka telefoonka Khamiistii, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden.

Markii Joe Biden uu ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka wuxuu martigeliyey hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping mar uu booqasho ku tegay Washington sannadkii 2015, laakiin si shaqsi ah uma aanay kulmin intii uu Biden xafiiska Aqalka Cad fadhiyey.

Shiinuhu waxa uu u arkaa Taiwan gobol ka go’ay oo ay tahay in uu ka mid noqdo dalkiisa – balse meesha kama saarin in awood loo adeegsado si arrintan loo gaadho.

Aqalka Cad ayaa sheegay marka laga yimaad qaddiyadda Taiwan inay labada hoggaamiye ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada, ammaanka iyo caafimaadka.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumaysan in Joe Biden iyo Xi Jinping labadooduba doonayaan inay ka fogaadaan isku dhac kasta.
Hase yeeshee, weriyaha Waaxda Arrimaha Dibedda ee BBC-da Barbara Plett Usher ayaa ku warrantay, in midkoodna aannu isku dayin inuu beddelo sheekadooda tartanka ku salaysan, taas oo markale lagu muujiyey hadallo is burinaya oo ku saabsan waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Aqalka Cad ayaa sheegay in wadahadalladani qayb ka yihiin dadaallada lagu doonayo in “si masuuliyad ku jirto loo maareeyo khilaafaadka, lagana wada shaqeeyo meelaha ay danuhu iska waafaqaan.”

Laakiin, Shiinaha ayaa ku eedeeyey Mareykanka masuuliyadda xidhiidhka sii xumaanaya ee Beijing iyo Washington.