Somaliland oo 20 cisho u qabatay dadka ajaanibka ah inay dalka kaga baxaan

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidammada Socdaalka Somaliland, ayaa muddo 20 cisho ah u qabtay inay dalka kaga baxaan dalka.

Amar kasoo baxay Taliska Ciidanka Socdaalka oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Ciidanka Socdaalka Somaliland Gaashaanle Dhexe Cali Jaahur Nuur, ayaa ku  wargeliyay Hay’adaha iyo ganacsatada in muddo 20 cisho ah loo qabtay dadka ajaanibka ah ee aan haysan sharci ay dalka ku joogaan.