Sergey Lavrov oo booqasho ku jooga Ethiopia

Addis Ababa-(Berberanews) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergey Lavrov, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, ayaa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Bole.

Lavrov, ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya waxaa lagu wadaa in uu kala tashado mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Itoobiya arrimo xoojinaya xidhiidhka labada dal.

Waxaa la xusuustaa in Demeke Mekonnen, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya uu booqasho ku tagay dalka Ruushka 2021-kii, isagoo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka.

Sidoo kale, Sergei Lavrov, ayaa sannadkii 2018-kii booqasho ku tagay Addis Ababa, wuxuuna kala saxeexday heshiisyo lagu xoojinayo xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, ayaa hore u booqday Masar iyo Jamhuuriyadda Congo.