Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Salaadiinta Beesha Bariga Burco

Hargeysa – (Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley 21 suldaan oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha gobollada Togdheer, Sanaag, Saraar iyo Saaxil oo uu madaxweynuhu martiqaaday.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyey bogga Facebook ee Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, waxa kulanka lagaga wadahadlay qodobbo ay ka mid yihiin horumarka dalka, nabadgelyada iyo xaaladda waddanka.  Kulankaasi wuxuu soo dhammaaday is-afgarad iyo jewi wanaagsan.


Waxa kulanka madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumatinta Biyaha, Horumarinta Caafimaadka, Caddaaladda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha.
Magacyada salaadiinta Madaxweynuhu la kulmay waxa ay kala yihiin:
1. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
2. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
3. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
4. Suldaan Sh. Yuusuf Cabdi Cawad
5. Boqor Maxamuud Cali Carab
6. Garaad Cali Axmed Xirsi
7. Suldaan Mustafe Maxamed
8. Suldaan Cabdiraxmaan Qodax
9. Suldaan Cabdiraxmaan Abyan
10. Suldaan Axmed Faahiye
11. Suldaan Axmed Xasan
12. Suldaan Cali Jaamac Galaal
13. Suldaan Abokor Cumar Aadan
14. Suldaan Maxamed Aadan
15. Suldaan Maxamed Axmed
16. Suldaan Ibraahim Cige
17. Suldaan Cabdirisaaq Cummaani
18. Boqor Cabdillaahi Xaaji Xasan
19. Suldaan Maxamed Cali Jabbaan
20. Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe
21. Suldaan Maxamed Jaamac Ciise.