Maamulka Jigjiga oo ka warbixiyey dagaal Al-shabaab ku qaadeen gudaha Itoobiya

Jigjiga -(Berberanews)-Maamulka Dawlad-degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray hawlgal qaatey afar maalmood oo ka socday Gobolka Afdheer, halkaasi oo ay galeen boqollaal ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.

War-murtiyeed ka soo baxay Guddiga Amniga ee Dawlad-degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan ujeeddadoodu ahayd inay u gudbaan Ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox argagxiso ah oo loogu yeedho Shane.

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 100 Al-shabaab ah la dilay hawlgalkaas, inkasta oo aan taas si madax-bannaan loo xaqiijin karin.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya:
“Waxa la soo afjaray kooxdii argagixisada Al-shabaab ee 4 maalmood ka hor duullaanka ka soo qaaday aagga “Aato” ee soo gashay Gobolka Afdheer, kadib markii Ciidammada Xoogga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aagga “Hulhul,” waxana la laayey dhammaanba argagixisadii naf la caariga ahayd.
Kooxda argagixisada ee Al-shabaab, ayaa ujeeddadooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Degaanka Oromiya, iyagoo raba in ay sii maraan degmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.
Argagixisada naf la caariga ee Al-shabaab iyagoo aan gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxa laga gubay 13 baabuur oo ay wateen, waxana laga qabtay dhammaanba hub, isgaadhsiin iyo agabkii ay wateen.
Hawlgalka Ciidammada Xoogga gaarka DDS qaadeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd argagixisada Al-shabaab.

Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlad-degaanka Somaalida iyo in la soo afjaro hawlgalka waxa qayb libaax ka qaatay Shacabka Degaanka Soomaalida, oo Ciidammada Xoogga gaarka ah garab-istaag heerkii u sarreeyey u muujiyey, iyagoo ugu deeqay raashin kala duwan, xoolaha nool,  cabbitaanno, lacag iyo waliba dhiig shubis.
Sidas darteed, Golaha Ammaanka ee Dawlad-degaanka Soomalidu waxa uu u mahadcelinayaa shacabka dgaanka oo sidii horeba loogu yaqiinay u garab istaagay Ciidammadooda.

Ugu dambayn, Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan hawlgalkaas,” ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka ka soo baxay Golaha Amniga Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya.