Booliska oo ka warbixiyey hawlgal ay ku qabteen gacan-ku-dhiigle wiil ku dilay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-“Taariikhdu markay ahayd 23/7/2022 abbaaro 2:20 habeennimo waxa magaalada Hargeysa   lagu dilay marxuum la odhan jiray Cawaale Nuur Billaal, sidoo kalena dhaawac gaadhsiiyey haweenay ay wada socdeen marxuumka dhintay, waxana dilkaas geystay gacan-ku-dhiigle Cabdiqani Rashiid Xasan.
Dhacdadaas markii uu ku warhelay Boolisku waxay saacad wax ka yar ku aqoonsadeen gacan-ku-dhiigle Cabdiqani Rashiid Xasan, waxayna boolisku ogaadeen jihada uu u baxsaday iyo degaanka uu ka soo jeedo.
Saacaddu markii ay ahayd 4:00 habeenimo isla watigaas Taliyaha Saldhigga Booliska New Hargeysa gaashaanle Baashe Aw Dheere oo wata laba baabuur oo ciidanka boolisku leeyihiin, ayaa ka daba shiraacday jihada koonfureed ee gacan-ku-dhiigluhu u baxsaday. Isla saacaddu markay ahayd 9:00 subaxnimo wuxuu gacan-ku-dhiigluhu ka tallaabay magaalo-xuduudeeda Lebisagaale oo koonfur/bari ka xigta 120km magaalada Hargeysa.
Intaas kadib gaashaanle Baashe waxa uu xidhiidh la sameeyey isagoo adeegsanaya wada-shaqaynta  ka dhexaysa labada ciidan ee Booliska Somaliland iyo Booliska Dawlada-degaanka Soomaalida Itoobiya, waxana halkaas lagaga daray laba gaadhi oo Ciidanka Booliska JSL wateen baabuur kale oo uu watay kornayl ciidanka Dawlad-degaanka ah, waxayna 50km u galeen tuulada Waaba-caddo oo ka tirsan Dawlad-degaanka Soomaalida Ethiopia, halkaas oo uu ku shidaal beelay gaadhigii uu watay gacan-ku-dhiigluhu. Intaas kadib si ninka loo raadiyo ciidanku waxa uu bilaabay lug isla shalay 12 saacadood gudahood markii dilku dhacay waxa lagu qabtay magaalada Dhoobo-guduud oo 50km ku taal gudaha Ethiopia.
Intaa kadib waxa mahadda kowaad iska leh Ilaahay oo noo fududeeyey qabashada gacan-ku-dhiiglaha, mahadda labaadna waxa leh dadka shacabka ah ee labada dhinac oo si fiican ula shaqeeyey labada Ciidan.
Sidoo kale, waxa aannu u mahad-naqaynaa Ciidanka Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya iyo madaxdooda oo si fiican ula shaqeeyey Ciidanka Booliska JSL.
Ugu dambayn, waxaannu hambalyeynaynaa Ciidankii Booliska iyo taliyahooda ku soo guulaystay hwlgalkaas.” Sidaa waxa u qornaa qoraal Ciidanka Booliska Somaliland ku baahiyey bartiisa Facebook caawa.