Amniga Somaliland: Saamaynta Khilaafka siyaasadeed, martigelinta Maraykanka iyo isballaadhinta Al-shabaab ee Gobolka

Faallo AA.Sheekh
Hargeysa – Iyada oo uu kordhayo walaaca dalalka mandaqadda Geeska Afrika ka qabaan saamaynta dhaqdhaqaaqyada isballaadhinta cusub ee kooxda Al-shabaab ka bilaabeen gobolka, kadib  markii kumannaan dagaalyan oo kooxdaas ka tirsan ay duullaan toos ah markii ugu horreysay ku qaadeen waddanka Itoobiya toddobaadkan.
Tan iyo markii kumannaan dagaalyan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ay duullaan toos ah ku qaadeen markii ugu horreysay waddanka Itoobiya toddobaadkan, ayaa waxa sii kordhaya walaaca dalalka mandaqadda Geeska Afrika ka qabaan isballaadhinta cusub ee kooxdaasi ku yeelan karo guud ahaan ammaanka gobolka, gaar ahaan waddamada deriska la ah Soomaaliya ee Kenya, Itoobiya, Somaliland iyo Jabuuti.
Boqollaal mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, ayaa weerar ballaadhan ku qaaday degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolka Afdheer ee Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya horraantii toddobaadkan, kuwaas oo dagaallo aad u qadhaadh oo socday shan maalmood oo xidhiidh ah la galay ciidammada gaarka u tababaran ee booliska ismaamulka Jigjiga oo ay taageerayeen cutubyo ciidammada federaalka Itoobiya ka mid ah.
Inkasta oo sida wararku sheegeen khasaare iyo jab aad u weyn ku dhacay dagaallamayaasha Al-shabaab ee weerarka ku qaaday degaannada Gobolka Afdheer oo ka mid gobollada dalka Itoobiya ee dhaca xuduudka uu la wadaago Soomaaliya, haddana waxa cabsida isballaadhinta kooxdaasi sii korodhay markii la xaqiijiyey in kumannaan dagaalyan oo u hubaysan ay markale gudaha u galeen Gobolka Feerfeer ee Itoobiya saqdii dhexe ee habeenimadii Isniinta toddobaadkan.
Haddaba, Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah dalalka gobolka ee xuduudka la leh Soomaaliya oo saldhig u ah malleeshiyada Al-shabaab, ayaa si weyn isha ugu haysa dhaqdhaqaaqyada cusub ee xoogagga argagixisada Al-shabaab ku galeen gudaha degaannada Dawlad-degaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ay soohdin dheer wadaagaan.
Inkasta oo Somaliland ay waddamada Geeska Afrika la wadaagto walaaca cusub ee ka soo kordhay isballaadhinta gobolka ee kooxda Al-shabaab, haddana waxa intaas u sii dheer khilaafka siyaasadeed ee xilligan dalka ka taagan iyo martigelinta saldhigyada millateri ee Maraykanku ka samaysanayo magaalo-xeebeedda istiraatiijiga ah ee Berbera, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida ay ku naaloonayso tobannaankii sanno ee la soo dhaafay.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa mabda’a ahaan oggolaatay codsi dawladda Maraykanku kaga dalbatay in saldhig ciidan laga siiyo magaalada Berbera, kaas oo sida qorshuhu yahay marka heshiiskiisa la dhammaystiro si rasmi ah u hawlgeli doona bisha January ee sannadka 2023, inkasta oo haatanba qaybo ka mid ah dhismayaasha saldhigga cusub laga sii bilaabay Madaarka Caalamiga ah ee Berbera International Airport.
Saldhigga Maraykanku dhismihiisa ka yagleelay Berbera oo la sheegay inuu noqon doono midka ugu ballaadhan mandaqadda Geeska Afrika, isla markaana ujeeddadiisu ugu weyn tahay la-dagallanka argagixisada gobolka iyo ka-hortagga isballaadhinta Shiinaha ee gobolka, ayaa la falanqeeyeyaasha ammaanku saadaaliyeen in uu Somaliland ku soo hoggaamin karo khatarta kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah, gaar ahaan Al-shabaab oo u muuqda hadda inay awoodooda ku baahiyaan dalalka ka baxsan Soomaaliya.
Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah in dawladda Somaliland si xirfad iyo aqoon sare u xoojiso ammaanka goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Berbera sida dekedda, haamaha shidaalka, kuwaas oo halbowle u ah dhaqaalaha qaranka iyo guud ahaan nolosha bulshada reer Somaliland.
Inkasta oo Somaliland haysato nabadgelyo buuxda iyo deganaansho siyaasadeed oo aan ka jirin inta badan waddamada gobolka, haddana waxa muuqata xilligan xasaasiga ah baahida loo qabo diyaarinta istaraatijiyad qaran dhammaystiran oo lagu hago amniga guud ee dalka, taas oo suurtogelinaysa in si fudud oo qorshaysan looga jawaabo xaaladaha kala duwan ee khuseeya ammaanka gudaha iyo dibadda.
Khatarta cusub ee Somaliland kaga iman kara kooxaha argagixisada waxa uu sii dheer khilaafka siyaasadeed ee xilligan waddanka ka taagan oo si toos ah iyo si dadbanba saamayn muuqata ugu leh amniga, xasilloonida iyo wadajirka shacabka.
Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan kala-horreysiinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, ayaa markale cirka isku shareeray dhowr casho ka hor, kadib markii ay burbureen wadahadalladii xalka loogu raadinayey ismaandhaafka ee u dhexeeyey xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, arrintaas oo sii kordhisay walaac xooggan oo laga qabo inay keenaan isku dhacyo siyaasadeed oo sababa rabshado khalkhal geliya nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, xiisadda kulul ee ka dhex oogan dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasadda Somaliland ayaa noqon kara fursad fiican oo ay ka faa’iidaysan karaan kooxaha argagixisada, iyadoo oo ay sidoo kalena dhici karto in taageerayaasha xagjirka ah ee xisbiyada mucaaradka qaarkood isku daayaan inay sameeyaan falal u muuqaal eg kuwa lagu yaqaan kooxaha argagixisada sida qaraxyo.

Si kasta ha ahaatee, werwerka aadka u badan ee laga qabo khataraha amni ee dul hoganaya dibadda iyo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waqtigan, waxa sii xoojinaya kala-daadsanaan baahan iyo baylah aan indhaha laga qarsan karin oo ka dhex jirta hay’adaha ammaanka qaranka oo aan lahayn xarun amma xafiis xog-wadaag rasmi ah, taas oo meesha ka saari lahayd tafaraaruqa ka muuqda xogaha la xidhiidha amniga oo hay’ad walbiba gaarkeeda ugu gudbiso Madaxweynaha.

Abuurista xarun dhexe oo isku dubbarida xogaha hay’adaha qaabilsan amniga qaranka waxay sahlaysaa in la helo xogo amni loo dhan yahay iyo xaalad kasta lagu wajaho qorshe qaran oo midaysan.