Itoobiya oo qabqabatay kooxo qorshaynayey inay falal argagixiso ka fuliyaan Addis Ababa

Addis Ababa  -(Berbersnews)-Guddiga iskudhafka ee u xilsaaran amniga dalka Itoobiya, ayaa sheegay in ciidammada ammaanku qabqabteen dad ka badan 450 qof oo qorsheynayey inay falal argagixiso ay ka fuliyaan caasimadda Addis Ababa.

Guddiga oo warmurtiyeed ay kaga warbixinayeen xaaladda amni ee dalka Itoobiya soo saaray maanta oo Sabti ah, waxay sheegeen in dadka laamaha amnigu gaacanta ku dhigeen isugu jiraan xubno ka kala tirsan kooxaha TPLF, Al-shabaab, OLF, Daacish iyo FANO.

Warmurtiyeedka oo faahfaahin ka bixiyey dadka la xidh-xidhay iyo waxa kala yihiin, ayaa sheegay inay isugu jiraan 174 ka tirsan fallaagada TPLF, 98 jabhadda OLF ah, 51 kooxda hubaysan ee FANO iyo 31 xubnood oo ka mid ah ururrada Al-shabaab iyo Daacish, tiradooda guudna tahay 454 qof, kuwaas oo lagu eedeeyey inay maleegayeen falal argagixiso oo lala beegsado goobaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda Addis Ababa.

Guddiga waxa kale uu sheegay shaqaaqadi bishii hore ka dhacday magaalooyinka Gibmii, Gambella iyo Dambii-dolo inay masuul ka ahaayeen fallaagada TPLF iyo Jabhadaha GLF iyo GPDN ee gudaha doobiya ka dagaallama.

Rabshado hubaysan oo bilihii u dambeeyey ka dhacay gudaha dalka Itoobiya waxa lagu dilay boqollaal qof oo isugu jira dad rayid ah iyo xubnihi hubeysnaa ee dagaallamayey.