Baarlamaanka UK oo loo bandhigay baaqa Madaxweynaha Somaliland ee gurmadka abaaraha

“Xaqiijinta Xasilloonida Somaliland oo sii Socota waxay Naga Caawinaysaa Ilaalinta Nabadda UK…”
Xildhibaan Polak oo ka tirsan Golaha Guurtida UK

London -(Berberanews) Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa loo akhriyey baaq ku saabsan wax-ka-qabashada abaaraha oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u jeediyey caalamka dhowaan.
Xildhibaan Stuart Polak oo ka tirsan Golaha Guurtida Ingiriiska oo baaqa Madaxweyne Biixi u akhriyey mudanayaasha Golihiisa, ayaa sheegay in Somaliland ay la tacaalayso sicir-bararka ka dhashay dagaalka Ruushka oo xayiraad ku soo rogay dekedaha Ukraine iyo sida ay uga qaybqaadan karaan khatarta macluusha Geeska Afrika.
Xildhibaan Polak oo hore saamaynta dabkii Suuqa Waaheen ugu bandhigay Golaha Guurtida UK, ayaa si weyn uga hadlay saamaynta cunto-yaraanta ka dhalatay dagaalka Ruushku ku yeelatay nolosha bulshada Somaliland, sida uu Madaxweyne Md. Muuse ku caddeeyey baaqiisa gurmadka abaaraha.
Golaha Guurtida UK oo fadhigii Khamiista dood ka yeeshay saamaynta dagaalka Ruushka ee xayiraadda dekedaha dalka Ukraine, ayaa xildhibaan Polak oo halkaas hadal ka jeediyey waxa uu ku sheegay;
“Wargeyska Telegraph Online waxa uu daabacay maqaal uu ciwaankiisu ahaa ‘Marka hore xoolihii ayaan waayey. Ka dib waxaan waayey caruurteydii,’ taasoo muujineysa xaaladda abaaraha iyo cunto yaraanta ka jirta Somaliland iyo waddamada Geeska Afrika.
Sheekadu waxay qeexaysaa xaaladda daran ee haleeshay hal qoys, balse waa dhacdo haysata dalalka Geeska Afrika oo dhan. Sida laga soo xigtay Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah, oo sheegay in ka badan 18.4 milyan qof oo ku nool gobolka oo kala-badh ay yihiin carruur, ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan.
Inkastoo abaarta ba’an ay sabab weyn u tahay xaaladda degdegga ah ee hadda jirta, haddana abaartu ma aha sababta sicir-bararka keentay keligeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal uu soo saaray 11-kii bishan July kaga dalbaday gurmadka abaaraha.
Madaxweynuhu waxa uu warqaddiisa ku bilaabay sidan;
“Waddan weli la daalaa dhacaya saamaynta COVID-19, abaaraha is-daba-joogga ah, iyo dagaalka Ukraine ayaa sii xumeeyey dhibaatada bini’aadantinimo ee Somaliland.”
Sidoo kale, warqadda Madaxweyne Biixi waxa ay qeexaysaa sida dagaalka ka dhacaya gobolka qiyaas ahaan ka durugsan 5,000 mayl uu u suurtogeliyey in uu saameyn weyn ku yeesho mandaqadda Geeska Afrika.
Somaliland waxa ay ka soo dhoofsataa kala badh cuntada qarankooda, oo ay ku jirto 92% sahaydooda sarreenka, Ukraine ama Ruushka.
Hase ahaatee, waxa loo baahan yahay inaynu ka fikirno saamaynta xun ee carqaladayntaasi ku yeelatay dalal ay ka mid yihiin Somaliland, Jabuuti iyo Suudaan.
“Caawinta Somaliland keliya ma aha masuuliyad damiireed oo innaga saaran waddankan xulafada la ah Ingiriiska. Laakiin Somaliland waxa ay ka xorowday qalalaasaha argagixisanimo ee maalinlaha ah ku dhawaaday ee ay Al-shabaab xidhiidhka la leh Al-qaacida ka gaystaan gobollada kale ee Soomaaliya. Sababta oo ah Somaliland waxay ku bixisaa inta badan miisaaniyad-sannadeedka amniga.
Xaqiijinta xasilloonida Somaliland oo sii socota ayaa naga caawinaysa nabadgelyada UK in aan ilaalinno.
Waxaan mar labaad ka codsanayaa Wasiirka Khaarajiga oo aan ogahay in uu arrintan si fiican u fahmayo inaan ka soo baxno waajibaadka naga saaran shacbiga Somaliland. Waxay u baahan yihiin gacan-qabsigeenna, waxay u baahan yihiin gargaarkeenna, waxay u baahan yihiin aqoonsi,” ayuu yidhi hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Polak.