𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐘𝐮𝐫𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐮𝐜𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Hargeysa  – (Berberanews)-Ergayga dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐢𝐜𝐢𝐢𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝,  oo kulan la qaatay madaxda xisbiga talada Somaliland haya ee 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄, ayaa sheegay in uu danaynayo in uu dhexdhexaadiyo 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 iyo 𝐦𝐮𝐜𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 isaga oo matalaya Midowga Yurub.

Qoraal lagu daabacay hoga Facebook ee xisbiga 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄 kulanka kadib, ayaa lagu sheegay in ergaygu uu doonayo in uu dhexdhexaadin ka gaysto khilaafka doorashooyinka ee ka dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland.

“Ergayga dowladda Finland ee Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed oo ah nin reer Somaliland ah, isla markaana ay wehelinaysay Cawo Axmed oo ka tirsan safaaradda Finland ee Nairobi, waxa uu sheegay inuu danaynayo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka jira Somaliland”.

Dhankooda madaxda xisbiga 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄  oo faah faahin ka bixiyay qodobada ay isku hayaan mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa ergayga u sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyo wadahadalkasta oo lagu soo afjarayo khilaafka taagan.

Suldaan ayaa sidookale maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland ee 𝐖𝐀𝐃𝐃𝐀𝐍𝐈 𝐢yo 𝐔𝐂𝐈𝐃, isagoo kala hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka iyo waxyaabaha laysku hayo.