Xildhibaan Guruuje oo weerar ku qaaday Dr Gabboose

“Dhakhtarnimadu waa aqoon la barto oo qofka baranayaa geliyo waqti iyo dadaal badan, sidaas oo kale xeeryaqaanimaduna waa xirfad kale oo u baahan sidda dhakhtarnimada in loo barto.

Sidaa markey tahey Dr Gabboose wuxuu bartay caafimaadka waana dhakhtar wanaagsan, laakiin xeerarka muu baran.

Sidaa waxaan u leeyahey, xeerarku waxay u qaybsamaan laba substantive law (xeerkii wax lagu xukumayey) iyo procedural oo ah xeerkii habka ee loo raacayay fulinta xeerka.
Dr Gabboose waxa ka qaldan wada shaqaynta xeer 14 iyo xeer 91 oo ah Xeerkii habka ee lagu fulinayey xeer 14.

Sababtu waa maxay ? Xeer 14/11 wuxuu dhigayey doorashooyinka oo kala ah Madaxtooyada, Wakiillada iyo degaanka.

Xeerka doorashooyinka ee xeer Lamar 91 isna wuxuu dhigayaa habka doorashada 3 doorasho.

Haddaba xukunkii Maxkamadda Sare ayaa ku kordhiyey xeer 14 in doorashada ururrada si toos ah loo qaban karo, taasoo ah doorasho 4aad oo soo korodhay.

Waxa kale oo xukunkaas Maxkamadda Sare ku jirta in goleyaashu dhammaystiraan wixii qabyo ah ee jira.

Sidaa darteed, waxa dhiman in xeerka doorashooyinka ee xeer lambar 91 lagu daro habkii doorashadaas ururradu ay mari lahayd

Taasoo ah qeexitaanka xidhiidhka ururrada, xisbiyada, Komishanka Doorashooyinka iyo waqtiga lagu jiro doorashada ururrada sida loo maamulayo doorashadaas, loona wada shaqaynayo iyadoo lagu caddaynayo cid walba doorkeeda iyo kaalinteeda.

Wax ka beddelka xeer lambar 91 wuxuu marayaa jaranjarrada xeerarku maraan caadi ahaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa habboon in siyaasiyiinta aan xeer aqoonka ahayn la tashadaan xeer aqoon marka ay ka hadlayaan arrimaha xeerarka khuseeya, maxaa wacay Dr Gabboose waa dhakhtar wanaagsan, laakiin ma aha xeeryaqaan wanaagsan.”
Waxa qoray Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.