Urur Siyaasadeedka KAAH oo maanta lagaga Dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Xaflad balaadhan oo lagu shaacinaayay urur siyaasadeedka Kaah ayaa maanta lagu qabtay Hotel Grand Haddi oo ku yaala Magaalada Hargeysa,

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen,Xildhibaano,Masuuliyiin kala duwan iyo siyaasiyiinta hormoodka u ah urur siyaasadeedka Kaah ayaa subaxnimadii hore ee maanta lagu qabtay Hargeysa.

Xildhibaano Tiro badan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ka mid ah aas-aasa yaasha Urur siyaasadeedka Kaah, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ayaa madasha ka hadlay,

Ugu horayn waxa Xaflada ka hadlay, Siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi oo ka waramay ujeedada loo aas-aasay urur Siyaasadeedka Kaah. Waxanu yidhi” Farxad wayn ayay ii tahay in maanta aynu yagleelno urur siyaasadeed aynu aragtidiisa iyo fikirkiisaba ku midownay,xeerka iyo sharciga ayaa u ogol in ay muwaadiniintu isku abaabulaan qaab siyaasadeed iyo ururo, tobankii sanaba mar, waxan bogaadinayaa aragtidaas dadka taageersan,waan bogaadinayaa u rurada kala duwan ee is abaabulay ee la baxay magacyada kala duwan, waan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland ee sida ku dhaca leh ku abaaray,waxan rajaynayaa walaaladeena kale ee inaga aragtida duwan leh in ay inala garwaaqsadaan. Intaas marka aan ka imaado dad badan oo halkan inala fadhiya oo aan anigu ka mid ahay waxay ka mid ahaayeen xisbigii waynaa ee Kulmiye, mudo 20 sano ah ayaan ka mid ahaa xisbiga Kulmiye, waxa aan mid ahaa aas-aasayaashiisii bud dhiga xisbigaas u ahaa,faan  iyo sharaftaydii aniga iyo inta halkan joogta ee kulmiye ku soo caano maashay ee ka soo ciidamisay in aynu xisbigaas ka mid ahayn,ka qoomamayn mayno in aynu xisbigaas ka mid ahayn, Kulmiye wuu guulaystay sideed sano oo mucaaridad adag ah, Kulmiye wuxu ku guulaystay Mucaaridad adag oo hufan,kulmiye wuxu ku guulaystay laba mudo xileed taladii dalka,waa xisbiga kaliya ee laba mudo xileed taladii dalka ku guulaystay.waxa sabab u ahayd haldoor badan oo lab iyo dhedig leh iyo qoodh badan oo xeradiisa ku jirtay. Anigu waxan ka mid ahaa raga maanta damaca ka leh hogaanka Kulmiye,  haldoor badan oo hortayda iyo hareerahayga fadhiyaana ka mid bay ahaayeen,waxa cadaatay in damaceenii aynu ka xaqiijino  xeradeenii iyo xisbigeenii ugu horeeyay,waxanu garwaaqsanay markii talo badan oo guud iyo mid gaar gaar ahba in shidhka gaadhiga Kulmiye aanu inaga iyo walaaladeenba ina wada qaadi Karin, hadii aynu inaga iyo walaaladeenii Kulmiye aynu wax wada yeelan kari waynay,ceeb maaha in aynu wax kala yeelano,hadii aynu awoodi waynay in aynu is kaashano, waxa aan leeyahay waa in aynu awoodnaa in aynu is ixtiraamno, hadii aynu xero kaliya wada weegaaran kari waynay oo ah xeradii Kulmiye oo aynu gufayn kari waynay meelaha galdalooloyinka iyo qardoofoyinku ka soo galayso, waxa inoo diidaya in aynu laba xero kala wageeranaa ma jirto, waayo siyaasadu maaha Diin,siyaasadu waa dan,iyo mabda`a la wadaago, rag  haduu geel ka dhexeeyo, is guhaadina waayo ,gobaadeey taladeeda ninba gees

Waxan leeyahay walaaladeen Kulmiye hadii xeradeenii ninba gees waageertay, wax sheeg sheegeen hadhan,odhan maayo kulmiye wuu isku soo ba`ay ee waxa aan leeyahay Kulmiye wuu isku soo badhaadhay,laakiin waxan leeyahay ragu hadii uu aragtida ku midoobi waayo uu kala baydho,waxan leeyahay wax sheeg sheegeen iyo ceebteen hadhan, intaas ayaan kulmiye odhanayaa.

Ururkan aynu saaka aas-aasnay in badan ayaa laga waramay,waxan leeyahay ururkani wuxu noqon doonaa mid ka duwan xisbiyadii iyo ururadii hore,ma noqon doono mid loo nisbeeyo qof,mana noqon doono mid loo nisbeeyo qolo,ma noqon doono mid reer ama reero loo nisbeeyo,wuxu noqon doonaa mid umadan loo nisbeeyo,afgobaadsi iyo gole ka kacna maaha,waayo xisbiyadeenii  labaatanka sanadood,waxa ka soo baxay arrimo badan oo taban, in aynu saxnaa waa lagama maarmaan.:

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa iyana goobtaasi ka hadlay kuwaas oo dhamaantood, sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin urur siyaasadeedka Kaah.

Waxa goobtaasi cod gacantaag ah lagu ansixiyay Magaca iyo Astaanta uu yeelanaayo ururku, kaas oo cod badan uu ku helay magaca Kaah.

Waxa sido kale shirka saaka ee Urur siyaasadeedka Kaah, lagu doortay si ku meel gaadh ah Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka ururka Kaah

Waxana Gudoomiyaha loo doortay Xidlhibaan Maxamed Abiib, halka Gudoomiye ku xigeenkana loo doortay Xildhibaan Jamaal Cali Aadan