Mucaaridka Djibouti oo rajo darro ka muujiyay in Geelle xilka ka degayo 2026

Djibouti-(Berberanews)-Mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee dalka Jabuuti ayaa ka hadlay sida uu u arko hadalkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ahaa in aanu isu soo taagi doonin xilka madaxweynaha doorashada soo socota.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAAD, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aanay ku cusbeyn ballanqaadka madaxwaynaha ee ah in uusan doorashada u tartami doonin.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxwayne Geelle uu horay u ballanqaaday in uu xilka banneynayo oo aanu doorashooyiinka u tartami doonin, balse uusan ka dhabeyn.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war la qabo xiiso ma leh, Ismaaciil Cumar Geelle-na ma aha markii ugu horreysay oo uu arrinkan ku dhawaaqo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Waxaa uu intaa ku daray in sanadkii 2008 uu madaxwaynuhu sheegay in uusan dastuuka ku tuman doonin oo uusan isbeddel ku sameyn doonin, balse uusan taasi ka dhabeyn.

“2008-dii waxaa uu yidhi ma ahi nin ku tunta dastuurka oo jeex-jeexa. Waana la ogaa in uu dastuurka beddelay si uu mar saddexaad isu sharixi karo, waayo qodobka 23-aad ee dastuurka ayaa ka mamnuucayay inuu mar saddexaad tartamo,” ayuu yidhi.

Duqii hore ee caasimadda Jabuuti, haddana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAAD, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ayaa sheegay in aanay fileyn “in Ismaaciil Cumar uu xilka ka degayo”.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in mucaaradku ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb galaan doorashada, haddii loo qabanayo “si xaq iyo xor ah”.

Wuxuu intaa ku daray, “Annagu maaddaama aan mucaarad nahay xil u joog ayaan nahay, waana tartami karnaa, laakiin waxaa la rabaa in doorashooyin xor iyo xalaal ah ay dhacaan.”

@Bbc Somali