Masharuuca Horumarinta Magaalada Berbera

Berbera-(Berberanews)-Mashruucan oo midawga yurub maalgalinayo ayaa si habsami uga socda magaalada Berbera, isaga oo mashruucu wax weyn kusoo kordhinaya horumarinta kaabayaasha maaraynta qashinka, dalxiiska, shaqo-abuurka iyo karti-dhisida waaxyaha farsamada ee dawlada hoose degmada Berbera.

Mashruucan waxa iska kaashanaya hay’ada UN-Habitat iyo dawlada hoose degmada Berbera, mashruucan ayaa si rasmi ah looga daah-furay magaalada Berbera 2020, xiligaas waxa dunida saamayn ku yeeshay xanuunka Covid-19 oo dhaqaale ahaan, isu-socodkii iyo xidhiidhkii daneeyayaasha mashruuca hakad galiyey. Mashruucu waxa uu gacanweyn ka gaystay dadkii ganacsiyadooda uu saameeyey kulamadii bulshada ee la hakiyey gaar ahaan ganacsiyada yaryar, iyadaoo  mashruuca laga kabay mudo lix bilood 575 ganacsi oo bil kasta la siinayey $60.

Bishii October 2021 ayaa midowga yurub, dawlada hoose iyo hay’ada UN-Habitat oo fulinaysa mashruuca is-afgarad ka gaadheen qorshaha iyo mashaariicda laga fulin doono deeqda midawga yurub ugu deeqay magaalada Berbera. Mashaariicda hada fulintoodu socoto waxa ka mid ah;

1. Mashraariicda horumarinta xeebta magaalada Berbera oo bilic, adeeg, badbaado iyo dhaqaale kusoo kordhinaya xeebta dalxiiska Batalaale oo gabgabo ku dhow.
2.Siyaasada ilaalinta deegaanka iyo maaraynta qashinka heer qaran oo ay gacanta ku hayso wasaarada deegaanka iyo is-bedelka cimilada JSL.
3. Curinta iyo wax ka bedelka xeerka bilicda iyo maaraynta qashinka ee dawlada hoose ku shaqaynaysay, si loogu saleeyo habka casriga ah ee dawlada hoose u maarayn doonto qashinka magaalada oo ah mid lakala saarayo isla markaana dib loo meertayn doono.
4. Wacyi-galinta bulshada ee maaraynta qashinka oo muhiim ay tahay in bulshada wacyigeeda la koriyo laguna tababaro maaraynta qashinka si xal wadajir looga qaadho maaraynta qashinka.

Mashaariicda waa weyn ee kaabayaasha maaraynta qashinka ee farsamada qorshaynta u baahnaa ayaa iibka iyo qandaraas bixinta maraya mashaariicda hoos ku xusan oo fulintooda la bilaabi doono 6 biloodka, 2022 gudahiisa waxa ka mid ah;

1. Xidhista Dumpsite hore oo degsiimada magaaladu ku dhawaatay.
2. Dhismaha God cusub oo lagu maarayn doobo qashinka mustaqbalka ee magaalada, iyada oo hab casri ah looga shaqayn doono la yidhaa ( Fukuoka Method) shaqaalaha saxada ee magaalada na lagu tababari doono.
3. Waddo 6KM ah oo tagi doonta Godka qashinka lagu maarayn doono.
4. Warshad dib loogu meertaynayo qashinka kiisa dib looga faa’idaysan karo ( Recyclable and Reuseable Wastes) kaas oo shaqo abuur badan kusoo kordhin doona magaalada Berbera.
5. Nalaynta iyo iftiiminta xeebta magaalada Berbera.

Mashruuca waxa mudadii loo qorsheeyay ka dhiman mudo sanad ah, sida qorshuhu yahay waxa la xaqiijin doona 90% in la dhameeyo mashaariicda. Hadii farsamo ahaan iyo fulintaba loo baahdo mudo dheeri ah waa mid furan daneyeeyasha mashruucuna go’aan midaysan ay ka gaadhayaan.