Madaxweynaha Maraykanka oo laga helay xannuunka Covid-19

WASHINGTON —(Berberanews)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr Joe Biden, ayaa laga helay Khamiista maanta xannuunka COVID-19, sida uu shaaciyey Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaas.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad galabta, ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo “astaamaha cudurka COVID-19 oo khafiif ah,” isla markaana si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isaga oo isku go’doomin doona gurigiisa.
“Si buuxda ayuu u tallaalan yahay, wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemayaa astaamo kooban,” ayaa lagu yidhi warsaxaadeedka ka soo baxay Aqalka Cad.
Warka ayaa intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniinka difaaca COVID-19 ee Paxlovid oo ay sameyso shirkadda Pfizer.
“Si waafaqsan tilmaamaha CDC, wuxuu isku go’doomin doonaa Aqalka Cad, wuxuuna si buuxda u gudan doonaa waajibaadkiisa muddadan.”
Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taas oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.
Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in lagala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale wajahaya waqtigii ugu adkaa muddo-xileedkiisa, waxana hoos u sii dhacaya tirada dadka la dhacsan hab maamulkiisa.
Daraasad ay sameysay Jaamacadda Quinnipiac University oo la baahiyey Jimcihii ayaa muujineysa in kaliya 31% shacabka Mareykanka ay ku qanacsan yihiin habka uu u maamulayo dalka.
Biden ayaa lagu warramay in guud ahaan xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, hase yeeshee da’diisa 79 jirka ah ayaa abuureysa walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo COVID-19.