IFTIIMIN SHARCI AMA XEER WQ XILDHIBAAN KU-CADDEEYE

Waxa qoray Xildhibaan Sheekh Ku-caddeeye oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo baxay xisbiga WADDANI, isla markaana taageersan furista ururrada siyaasadda

“Mudanaha Golaha Wakiilladu Qaranka ayuu xil u hayaa ee xisbiga uu ka soo baxay xil uma hayo sida caadiga ah. Xilliga xeerku tilmaamay, markay gaadhana hadduu urur furanayo iyo hadduu ku biirayo kuwa jira ama abuurmaya cidna magan ugama aha. Arrintaasi cidna codsi u qoran maayo sida ku xardhan XEER LR. 14/ 2011 Qodobka 11aad faqraddiisa 4aad oo u dhigan sidan: “Markasta oo la furayo tartanka ururrada siyaasadda… Lix bilood ka hor, mudanaha ka tirsan Golaha Wakiillada ama Golayaasha Degaanka waxa u bannaan inuu furan karo urur-siyaasadeed cusub ama uu ku biiri karo Urur/Xisbi-siyaasadeedka uu doono.” Xeerku ma sheegin cid uu arji ama codsi u qoranayo oo aqbalkeeda iyo diidmadeeda uu sugayo.
Haddaba, Qodobka 9aad ee Xeer Lr. 14/ 2011 oo ka hadlaya Xuquuqda Muwaaddiniinta faqraddiisa 4aad oo laga yaabo dadka qaar in ay qalad fahmaan waxa ay ka hadlaysaa xubinta xisbiga xil u haysa sida Guddoomiye, G/xigeen, Xoghaye, Afhayeen IWM. Mudane Golaha Wakiillada ama G/Deegaanka ka tirsan ha ahaado ama muwaaddin muwaaddiniinta ka mid ah ha ahaadee sida ku xardhan Qodobka 9aad, Faqradiisa 4aad, Xarfaha (b&t) oo u dhigan sidan: ” Xubin kasta oo doonaysa in ay ka baxdo xil xisbi ama urur.
b) Waa in xubinta xisbiga/ururku u soo gudbisaa arjiga is casilaadda.
t) Waa in xisbiga /ururku ku aqbalaa ama ku diidaa 14 maalmood gudahood is casilaada xubinta.”
                      ALLAA MAHAD LEH
XILDHIBAAN SH. AXMED DAYIB KUCADDEEYE