Diyaaradaha Ciidammada Maraykanka oo kordhiyay duullimaadyada Somaliland

Somaliland-(Berberanews)-Tan iyo maalintii Axada diyaaradaha Ciidammada Badda ee Maraykanka #USNAVY ayaa waxay dib u bilaabeen dhaqdhaqaaqooda hawada ee #Somaliland.

Maalintii axadda ee todobaadkan waxaa Djboouti kasoo kacday Diyaaradda noocca C-12, duullimaad lambarkeeduna ahaa #PAT99, oo ay isticmaalaan ciidammada Badda Maraykanka, taasoo duullimaad ku samaysay hawada Somaliland, sida lagu baahiyay Raddar24.

Sidoo kale, Arbacadii shalay diyaaradda KC130J, duullimaad lambarkeeduna ayaa #BRNCO73 oo ah nooca ay samayso shirkadda Lockheed Martin ayaa ku degtay Madaarka Berbera.

Lockheed Martin KC-130 waa qoys ka mid ah nooca booyadaha dheereeya ee shiidaalka qaada ee C-130 Hercules oo la horumariyay.

KC-130J waa noocii ugu dambeeyay ee ay maamuLaan ciidamada badda ee Mareykanka. Waxay beddeshay KC-130F da’dii hore, KC-130R, iyo KC-130T waxaanay ku kala horeeyaan kala duwanaanshiyaha shidaalka hawada.

Berberanews.com
Info@berberanews.com