Sudan: in ka badan 100 qof oo ku dhintay iska-hor-imaad isir

Sudan-(Berberanews)-Maamulka gobolka Blue Nile ee koonfurta-bari ee Suudaan ayaa sheegay in 105 qof la og yahay inay ku dhinteen maalmo iska hor imaadyo isir ku salaysan oo ku saabsan dhul la isku haysto.

Wasiiru dowlaha caafimaadka ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay in xaaladdu ay hadda deggan tahay balse ay jirto caqabad weyn oo lagu xallinayo dadka barakacay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 15,000 ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan guryahoodii ku yaalay Blue Nile qaar badana ay gabaad ka dhiganayaan iskuulada.

Waxa ay sheegtay in guud ahaan Suudaan, in ka badan 14 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar nafaqo lagu badbaadiyo, balse ay jirto hoos u dhac weyn oo dhinaca gargaarka ah.

Rabshadaha Niilka Buluuga ah ayaa sababay mudaaharaadyo ka dhacay magaalooyinka dalka Suudaan, kuwaas oo laba ka mid ah ay soo rogeen bandoow horraantii toddobaadkan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com