Saaxiibada Somaliland ee senateka US oo ka cadhooday go’aanka dowladdu ku xidhay BBc-da

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaanno ka mid ah Senateka oo ka shaqeeyay Xeerkii Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii Dowladdu ku xidhay Bbc-da.

James Elroy Risch oo ah qareen Mareykan ah iyo siyaasi kasoo shaqeeyay senator-ka, imikana ka mid ah Guddida Arrimaha Debedda, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay go’aanka Somaliland albaabada isugu dhufatay Idaacadda Bbc-da.

“Somaliland waa in ay noqon kartaa saaxiib adag oo ay la yeelato Maraykanka, waana sababta aan u soo jeediyay hindise sharciyeedka lagu baadhayo siyaabaha loo samayn karo. Laakin, waa wax aan la aqbali karin in ay sii waddo wiiqida xoriyadda saxaafadda, gaar ahaan iyada oo isku dayaysa in ay ka soocdo gobolka riikoodhkeeda dimoqraadiyadeed.” Sidaa waxa Twitterkiisa soo dhigay James Elroy Risch.

Tibor P. Nagy Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, horena u ahaa sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo soo noqday safiirka Maraykanka ee Guinea iyo Ethiopia, ayaa idna ka hadlay arrinta lagu xidhay Bbc-da oo uu ku sheegay mid aan xal ahayn.

“Gebi ahaan fahan #Somaliland sida ay uga xuntahay tabinta afsoomaaliga ee #BBC balse mamnuucida warbaahinta caalamiga ah waa mid aan faa’iido lahayn – saxaafadu waxay mar walba heshaa erayga ugu dambeeya. Waxaa ka wanaagsan in la hawl galo oo wax la baro intii la isku dayi lahaa in la dabargooyo.” Sidaa waxa yidhi Tibor P. Nagy