Nigeria: Shaqo-joojin ay sameeyeen urrurada Roodhida soo saaraa

Nigeria-(Berberanews)-Roodhiyaasha dalka Nigeria ayaa saqdii dhexe ee habeenimo isku dayaya in ay damiyaan foornadooda kadib markii ay kor u kaceen qiimaha daqiiqda iyo alaabada kale sida naaftada oo saameyn ku leh faa’iidadooda.

Xubno ka tirsan mid ka mid ah ururada roodhida ayaa dalbanaya kaalmo dawladeed.

Emmanuel Onuarah, oo ah madaxa ururka ay ku midaysan yihiin roodhiilayaasha ayaa BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah dukaamada rootiga ay shaqada ka ceydhiyeen maadaama aanay awoodin inay bixiyaan mushaaraadka.

Waxa uu soo jeediyay in dawladdu ay joojiso canshuuraha 15% ee laga qaado sarreenka dibadda laga keeno – kaas oo qiimihiisu uu hore u kacay sanadkan sababtoo ah dagaalka Ukraine.

Qiimaha naaftada, oo loo isticmaalo mishiinnada korontada ku shaqeeya ee foornooyinka roodhida, sababtoo ah korontada dalka oo xun, ayaa sidoo kale kor u kacday.

Ururka shaqo joojinta sameeyay ayaa sidoo kale doonaya in dowladdu ay dejiso kharash macquul ah oo loogu talagalay cusbooneysiinta shatiga shaqada.

Shaqo joojintan ayaa lagu wadaa inay socoto afar maalmood oo keliya, balse Mr Onuarah ayaa sheegay in haddii dowladdu ay wax ka qaban weydo cabashooyinkooda, rootiga ay shaqo joojin doonaan muddo aan la cayimin.