Djibouti: Madaxweyne Geelle oo cayimay goorta uu xilka ka tegayo

Djibouti-(Berberanews)-Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux, balse hadda waxa uu ku dhawaaqay waqtiga uu ka dagayo xilka.

Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xidhiidhka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.

Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Wariyaha BBC-da, Nicolas N├ęgoce, oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.

Taas ayaa ka dhigan in Geelle aanu mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Su’aalaha la waydiiyay inta uu wareysigu socday waxaa ka mid ah mid ku saabsanayd sida uu u arko dadka u badan dibad joogga ee baraha bulshada soo dhigaya baaqyada ay ugu jeedinayaan in uu xilka iska casilo, maadaama ay ku eedeeyeen in aanu shacabkiisa u qabanin wax ku filan.

Isagoo ka jawaabayay su’aashaas ayuu Madaxweyne Geelle yidhi: “Haddii aad dibad joog tahay micnaheeda ma aha inaad mucaarad noqoto. Haddii aadan rabin inaad ka shaqyaso gudaha dalkeenna micnaheeda ma aha inay fasax kuu tahay inaad abuurato sheekooyin aan jirin.”

Inta badan dadka reer Jabuuti iyo kuwa dhaliila maamulka Madaxweyne Geelle ayaa tusaale usoo qaata sicirka nolosha ee qaaliga ah. Waxyaabaha sida gaarka ah aad looga cawdo waxaa ka mid ah qiimaha korontada oo sarreeya.

“Ma nihin waddan saliidda soo saara. Ma nihin waddan leh wabiyo oo korontada ka dhaliya gudaha. Waxaan hoos dhigay qiimihii korontada oo horay u sarreeyay. Waddamada dariskeenna ah marka laga reebo Itoobiya, xitaa maba haystaan adeeg koronto oo la isku hallayn karo. Waa inaan ku faanno waxa aan haysanno ilaa hadda,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Mar uu ka hadlayay heerka faqriga ayuu yiri: “Wax roob ah ma aannaan helin muddo saddex ilaa afar sano ah. Ma jiraan beero. 6% ilaa 8% kobac dhaqaale ah kama imaado meel cidlo ah. Waxa uu ka imaadaa shaqo joogto ah oo aan u hayno sidii aan u cirib tiri lahayn faqriga iyo jaajada.”

Khatarta Al-Shabaab

Dhinaca khatarta kooxaha loogu yeero argagixisada ayuu sidoo kale ka hadlay madaxweynaha Jabuuti, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray hadal hal sano ka hor uu yidhi hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Cumar, oo ku baaqay in la weeraro Mareykanka iyo Faransiiska saldhigyada ku leh Jabuuti.

Waxa uu sheegay in dowladdiisu aysan halis gooni ah dareemeynin.

“Mar walba waan isdifaaci doonnaa. Way dhihi karaan wax kasta oo ay rabaan balse annagu waan kasoo hor jeednaa qalalaasaha, argagixisada, xagjirnimada iyo wax walba oo wax u dhimaya xornimadeenna iyo xornimada dadka kale,” ayuu yidhi.

Waxaa kale oo Geelle wax laga waydiiyay sida loo sii xoojin karo xidhiidhka Jabuuti iyo Soomaaliya, maadaama uu bishii June Muqdisho uga qayb galay caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhawaanna uu madaxweynaha Soomaaliya qudhiisa booqday Jabuuti.

“Waligeed ma jirin caqabad noo dhaxaysay annaga iyo Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2000. Waxaan ka mid nahay taageerayaasha tirada yar. Waligeen kama aannaan cago jiidin, mar walbana waan taageeri jirnay [Soomaaliy] si ay dowladnimadooda usoo ceshadaan.”

Dhanka kale, mar uu ka hadlay xasaradda Itoobiya waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallada dib u heshiisiinta, ayna rajaynayaan in ay natiijo fiican kasoo baxdo.

“Itoobiya way badbaadi doontaa. Annagu waxaan mar walba u xusul duubaynaa in la helo Itoobiya mideysan oo horumarta,” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.

@Bbc Somali