Somaliland: Xisbiyada Mucaaridka oo quus taagan

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Maanta inay bur bureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.

Shir jaraa’id oo ay Maanta siwadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uu mas’uul ka yahay inay bur buraan wada-hadallada Xukuumadda iyo mucaaradka.

Madaxda Mucaaradka waxaa ay sheegeen in wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad kujiray ay wax ka weeydiiyeen gudoomiyeyaasha Golaha Wakiilada iyo guurtada, balse ay u sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan madaxweynaha, isla markaana uu u sheegay in uu sharci ku taagan yahay.

Sdioo kale waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uusan heyn cid katirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay