Maamuuskii Madaxweyne lahaa ma Madnuucay Kulmiye!. 

Marka hore waxa aan Canbaaraynayaa gafkii qalafsanaa ee meel ka dhaca badheedhka qayaxan ahaa ee lagula kacay Madaxweynihii saddexaad ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, waa fal aad iyo aad looga xumaado wixii lagula kacay Mudane Daahir Riyaale oo ahaa Madaxweyne Qaran oo Dalka kasoo taliyey, oo waliba Mudane Daahir Dalka Mudadii uu u Igmanaa gaadhsiiyey Horumar maamul iyo Dumuqraadiyad Toolmoon iyo isbedel taabo gal ah oo aan ahayn Afka baarkiisa, se la taaban karo, waxa iyana  Diinta, Dhaqanka, Dumuqraadiyada iyo Dadnimadaba baal marsan in Mudane maamuus, mudnaan, sharaf iyo karaamo ku leh qaranka oo Dalka Madaxweyne usoo noqday loola dhaqmo dulayn, karaamo daro iyo HOOS u dhig, ma qabiilka uu ku abtirsado ee uu kasoo jeedo ayaa lagu guhaadinayaa?!, waxa jirta in shantii Madaxweyne ee loo dhaariyey Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo kaliya uusan ahayn beesha dhexe halka Afarta kale labadii ka horeeyey iyo labada ka danbeeyey ay ahaayeen beesha Dhexe, waxa markhaati ma doonto ah in hadii labadii Madaxweyne Marxuun ee ka horeeyey iyo Madaxweynihii Mudane Daahir ka danbeeyey, goobtaa madaarka soo marilahaayeen in aan lagula dhaqmeen qaabka badheedhka qalafsan ahaa ee lala beegsaday Daahir, waxa aynu hore u ogayn Mudane Daahir oo xilka madaxweyne ay uga danbeeyeen laba Madaxweyne, Xisbigii Udub ee uu madaxweynaha ka ahaana saaxada siyaasada Somaliland uu ka baxay mudo hore oo aanu ahayn Xisbi jira, in xuskii sanad guuradii 20aad ee Xisbiga Kulmiye si badheedh ah deelqaaf iyo aflagaado qayaxan loogu gaystay, taas oo shacabweynaha Somaliland uu aad ula yaabay se ta maanta lagula kacay waa afkala qaad iyo qaran dumis, se Hadii Bir-ma-Gaydadii maamuuska iyo sharafta lahaa sidaa laga yeelayo maxaa laga filan karaa Dadka shacabka caadiga ah ee kasoo jeeda Darafyada, hubaal Waxaan wanaagsanayn, Somaliland waa Dal ay wada leeyihiin qabiilo isku Qoomiyad, Diin, Af, Dhaqan, Midab, Hide, Taariikh iyo Deegaan ah, waana Ummad gacal iyo xigaal isku wada ah se waxa nasiib daro ah in Xisbi Xaakimkan Kulmiye ee Kornayladan habdhaqankii qarnigii 20aad ee ku Jabhadee iyo ku jiqsii uu weli ku Dihin yahay ay Ummada damceen inay kala irdheeyaan, waxa se Hubaal ah in kornayladu  ku Dhago-Barjoobeen, Qarnigan 21aad ee Daacad, Caddaalad, Run, Aqoon, Iskusoo uruurin, fikir midho dhal ah, Midnimo qaran iyo aaladaha casrigee ah I Arag, ilasoco ee (tignoolajiyada) ama aaladaha casriga ah ee Ogow, Maqal oo Arag ah, ee aduunka ka socdo iyo Dimuqraadiyada lafteeda ay ka dhacsan yihiin, waxaana cadayn u ah xisbiyadii qaranka ee Dalku lahaa ee taageerada iyo kalsoonida shacabka qabay aayar waatii Xabsiga Madheera ku xerreeyey, ee hadana siduu Dalku Boqortooyo nin ama qoys leeyahay oo kale aayar yidhi oodaan idinka qaaday!, xisbiyadii qaranku ma Xayn kornayladan Kulmiye dabo-dhoon u yihiin baa!. 

Isku soo wada xoori, fartii khadka loodaray waa lawada eedaye, Maamuuskii uu Madaxweyne lahaa ma Madnuucay Kulmiye, waxa malaha hadhay uun casarkoo laysaseexiyo, habixina iyo Bandoo lasoo rogo, Deedna gugii siyaasada Somaliland oo Curta!. 

Dumuqraadiyad Kornaylaa Dillay!. 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com