Guddoomiyaha Waddani oo ka hadlay Wada-hadallada Dowladda iyo Xisbiyada

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka hadlay wadahadallada xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland
Salaamu Calaykum.

Waxaa socday maalmahan wadahadal u dhexeeyay xisbiyada macaaradka ah iyo xukuumadda oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen labada Guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankii maanta waxa baajiyay labada Oday, mana jiro kulan gaar ah oo Xisbiga WADDANI ka dalbaday Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, haba yaraatee. Waxa aannu gartayadii oo af iyo qoraalba ah u dhiibnay odayada dhexdhexaadka ah, iyaga ayaannuna ka war sugaynnaa berrito, insha Allaah.” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.