Dabka ku sii fidaya qaaradda Yurub, daadguraynta dadka iyo dedaallada socda

France-(Berberanewa)-Faransiiska ayaa daadgureeyay in ka badan 14,000 oo qof oo uu cabsi geliyay dabka ka socda Koonfur-galbeed, iyadoo uu sidoo kale dabku ku fiday Spain, Croatia iyo Greece.

Maamulka magaalada Gironde ee dalka Faransiiska, oo ah gobol caan ah oo loo dalxiis tago, ayaa ka daadgureeyay ilaaladii xerooyinka – dalxiisayaasha ayaa goor hore ka tagay.

Dab ayaa ku fiday deegaanada Teste-de-Buch iyo Landiras. Koonfurta Spain, in ka badan 3,200 oo qof ayaa ka qaxay dab ka kacay buuraha Mijas, inkastoo markii dambe qaarkood ay awoodeen inay soo laabtaan.

Dabka Portugal waa la xakameeyey hadda. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Boortaqiisku waxay sheegtay in 659 qof – oo u badan dad da’ ah – ay u dhinteen kulaylka usbuucii la soo dhaafay.

Dabka Mijas ee Spain kama foga Malaga, oo ah goob dalxiis oo caan ah.

Meelo kale oo dalka Spain ah, waxaa dab xooggan uu ka kacay gobollada Castilla y León, Galicia iyo Extremadura.

Ellen McCurdy, oo ku nool agagaarka Malaga, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters: “Kaliya waxaanu qaadanay waxyaabo muhiim ah, run ahaantiina waanu orodnay, marxaladdaasna qof kasta oo waddada marayay ayaa socod ku ordayay… waxaa jiray ambalaasyo badan iyo dab-damis.”

Guud ahaan badda Mediterranean-ka – laga bilaabo Morocco oo galbeedka ilaa Crete ee bariga – kumanaan dab-damis ah iyo diyaarado badan oo bambooyinka biyaha ah ayaa la geeyay.

Tan iyo salaasadii, gobolka oo dhan waxa uu ahaa mid aad kuleyl aad u daran, taasoo ka dhigeysa in dhirtu ay qallasho.

Mowjadaha kulaylka ayaa noqday kuwo soo noqnoqda, aad u xoog badan, oo sii dheeraada sababtoo ah isbeddelka cimilada ee loo aanaynayo aadamaha.

Dunidu waxay horeba u kululaatay ilaa 1.1C tan iyo waagii warshadaha ee bilawday heerkulkuna wuu sii kordhayaa ilaa dawladaha aduunka oo dhan ay yareeyaan qiiqa kaarboonka.

Adeegga cimilada Faransiiska ayaa saadaaliyay heerkulka ilaa 41C (106F) ee koonfurta dalka Axada iyo diiwaanada kulaylka cusub ayaa la saadaaliyay Isniinta.

Portugal, heerkulku dhawaan wuxuu gaadhay 47C.

Boqortooyada Midowday (UK) waxa jirta digniin khudaar ah oo ku saabsan kulaylka ba’an, iyada oo waddanku u adkaysanayo heer kulka diiwaanka Isniinta iyo salaasada, oo laga yaabo inuu gaadho 41C meelaha qaarkood.

Maroco ayaa amartay in ka badan 1,300 oo qof in ay ka baxaan guryahoodi waxa ayna u dirtay dab damisyo badan si ay wax uga qabtaan dabka ka kacay keymaha waqooyiga.

Aagga ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday waa gobolka Larache.

Grete, dab-demiska Giriigga ayaa la dagaallamaya dab weyn oo ka kacay buuraha ku hareeraysan Rethymno, ee xeebta waqooyi.

Degaannada qaar ee koonfur-galbeed ee Turkiga iyo xeebaha Adriatic ee Croatia ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya dabka.

Dab ayaa ka dillaacay meel u dhow magaalooyinka loo tamashlaha tago ee Croatia ee Zadar iyo Sibenik, laakiin ma aanay  qasbin daadgureyn weyn.

Dabayaaqadii Sabtidii, Faransiisku wuxuu dhigay 22 waaxood oo kale oo heer gobol ah – oo badiyaa ku teedsan xeebta Atlantic – heegan sare.