Baarlamaanka Mareykanka oo aqoonsaday istiraatiijiyadda qaddiyadda Somaliland

Washington  -(Berberanews)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo dhowaysay hindise-sharciyeed uu meel-mariyey Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Xeerkan oo ah Qorshaha Difaaca ee Mareykanku ku hawlgalayo sannadka 2023-ka, ayaa horseedi doona in uu iskaashi dhinacyo badan leh dhexmaro dawladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in Baarlamaanka Mareykanku aqoonsaday istiraatiijiyadda ay leedahay Somaliland.

Bayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland dhigtay boggeeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay hindise-sharciyeedkaas lagu meel-mariyey Koongareeska Maraykanka.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u riyaaqday tallaabada uu Golaha Wakiillada Mareykanka ku ansixiyey sharci lagaga codsanayo Wasaaradda Arrimaha Dibedda in ay daraasayn ku samayso xogna ka soo gudbiso arrimaha la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Somaliland ayaa sidoo kale soo dhowaysay horumarka laga sameeyey isu soo dhawaanshaha Mareykanka iyo Somaliland.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si aad ah uga mahadnaqaysaa sida ay Aqalka Wakiillada Mareyknaka uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Mareykanka iyo Somaliland,” ayuu sii raaciyey warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Muxuu yahay sharcigan?

27-kii bishii May ee sannadkan ayuu hindise-sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka horgeeyey xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaas oo laga soo doortay degmo ka tirsan caasimadda Washington.

Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sannadkii 1997-kii Aqalka Congarays-ka, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuurgalo sidii Somaliland loola kaashan lahaa hawlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale.

Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise-sharciyeedka lagu meel-mariyey Golaha Wakiillada Maraykanka oo ay shirguddoomiso Nancy Pelosi.

Tallaabada xigta ee hadda lagu hawlan yahay ayaa ah in karaanigu uu saxo qoddobaynta xeerka, hab-qoraalkiisa iyo arrimaha kale ee farsamo ee muhiimka ah.
Guddiga Adeegyada Hubaysan ee Congress-ka Mareyakanka oo magaciisa loo soo gaabiyo “HASC,” ayaa hagayey xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray.
Sidoo kale, waxay guddigu ka codsadeen Waaxda Gaashaandhigga ee Mareykanka in ay talooyin ka bixiso sidii loo ballaadhin lahaa wada-shaqaynta amni ee Somaliland iyo sida ay suurtogal u tahay inay Mareykanka ka caawiso ujeeddooyinkiisa milliteri ee Geeska Afrika iyo gobolka ku teedsan Badda Cas.

Mareykanka ayaa talis milliteri oo baaxad weyn ku leh Afrika, hawlaha ugu waaweyn ee ay fuliyaanna waxa ka mid ah la-dagallanka argagixisada.