Xog: Nuxurka heshiis Xukuumadda iyo mucaaradku ka gaadheen khilaafka doorashooyinka

Hargeysa -(Berberanews)-Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo muddooyinkii u dambeeyey wadahadallo u socdeen ayaa la sheegay inay isla gaadheen heshiis lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka qabsoomidoodu u muddaysan tahay sannadkan.

Ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa iftiimiyey in guddoomiyeyaasha goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada – Md Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed  – ay labada dhinac ee mucaaradka iyo muxaafadka ku qanciyeen in muddo sannad iyo dheeraad ah loo kordhiyo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, sidoo kalena ay doorashada madaxtooyada ka qaybgalaan saddexda xisbi qaran ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID.
Warku wuxuu intaa
ku daray in doorashada ururrada siyaasadda la raacin doono doorashada goleyaasha degaanka saddex sanno kadib, iyadoo la sii wadayo diiwaangelinta iyo ururrada cusub ee siyaasadda.
Is afgaradka ayaa la sheegay in lagaga dhawaaqi doono kulan ballaadhan oo lagu qabanayo qasriga Madaxtooyada berri Axadda.
Hase ahaatee, ilaa hadda ma jiro wax war oo dhinacyadu ka soo saareen qodobadda ay ku heshiiyeen Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland.
Sidoo kale, ma cadda inta ay noqon doonto muddo-kordhinta laysla qaatay in loo sameeyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.