Maraykanka iyo Somaliland oo yeelanaya iskaashi difaac toos ah

Hargeysa  – (Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo dhowaysay Xeerka Difaaca Qaranka Maraykanka oo dhowaan Aqalka Congaraysku wax-ka-beddel ku sameeyey si loo waafajiyo xidhiidh difaac oo ah dhexmara dawladaha Washington iyo Hargeysa.

Warsaxaafadeed ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey  wax-ka-beddelka Xeerka Difaaca Maraykanka oo Golaha Congress-ku ansixiyeen Khamiistii shalay.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u sacab-tumaysaa meel-marinta Golaha Wakiillada Maraykanka ku sameeyeen xeerka ogolaanaya in Wasaaradda Arrimaha Dibeddu samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixin xidhiidh ammaan oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Xeerkan ayaa sahlaya in Maraykanka iyo Somaliland ka wada shaqeeyaan in Amerikaanka iyo xulufadiisu helaan albaab ay ka galaan Geeska Afrika, si looga hortago joogitaanka Iiraan ee Gacanka Cadan, saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa, la-dagallanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo hubka, waxana la horumarin doonaa ganacsiga.

Sidoo kale,
Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Ambassador Bashiir Good, ayaa isna soo dhoweeyey ansixinta xeerkan, isaga oo goleyaasha sharci-dajinta Maraykanka ku boorriyey in ay gacan ka gaystaan dhaqan-galintiisa.
“Waxaannu ku dhiirrigalinaynaa Aqalka Wakiillada iyo ka Odayaasha Maraykanka inay dhammaystiraan hirgalinta tallaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibadda iyo difaaca kala shaqeeyaan cilmi-baadhis waqi ku qabsoonta oo horseeda horumarinta danaha la wadaago ee labadeenna dimqoraadiyadood,” ayuu yidhi Ambassador Good.

Dawladaha Somaliland iyo Maraykanka ayaa la filayaa in ay dhowaan yeeshaan xidhiidh ammaan, kadib booqashadii madaxweyne Biixi ku tagay Washington bishii March ee sannadkan, waxa bilowday dadaalo uu Maraykanku ku doonayo in uu heshiisyo difaac iyo diblomaasiyadeed kula yeesho Somaliland.