Xasan Sheekh oo Xogwaran ka bixiyay xaaladda Ciidanka Tobabrka u jooga Eritrea

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay safar uu ku tegay dalka Eritrea xogwaran ka siiyay waalidiinta askar tobabar u joogay dalkaas oo beryahanba ka werwersanaa xaalka ubadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey waalidiinta sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku saabsanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda.  Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan,’ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen.

Qaar kamid ah ayaa goobta ka sheegay inay ubadkooda lasoo hadleen wiilashooda una sheegeen inay xaaladdooda wanaagsan tahay.