Mo Faarax hooyadii oo ka hadashay dareenkeeda 10 sano kadib oo ay is heleen

Hooyada dhashay orodyahanka Mo Faarax ayaa sheegtay inay muddo ka dib ogaatay in wiilkeeda uu ku noolaa Ingiriiska oo uu tahriib ku tagay.

Waxay sheegtay inay u hilowday wiilkeeda maadama aanay xilliggaas waxbo kala socon xaaladdiisa.

Sir Mo Faarax ayaa ka sheekeeyay xilliggii uu wacay hooyadii ka dib sannado badan oo ay kala maqnaayeen.

 “Labo is dhashay ma kala hadho xabbaal mooyaane, kolba halka ay joogaan un bey iska warqaadaan, waan ogaaday in uu ku nool yahay dalka Ingiriiska” ayay tiri Hooyo Caasho oo u warrameysay BBC-da.

Hooyo Caasho waxay sidoo kale sheegtay in muddo toban sano ay ku raad joogtay xaaladda uu ku nool yahay wiilkeeda balse markii lagala soo hadal siiyay teleefoon ay si weyn ugu faraxday.

Waxay intaa ku dartay in farxad darteed ay ku sigatay inay jebiso teleefoonka si ay malaha uga dhex aragto wiilkeeda Mo Faarax.

“Muddo toban sano ah ama ka badan wax war ah kama heyn, markii aan maqlay, teleefoonkii aan hayay in aan jebiyo ayaa doonayay oo aan dhaxgalo ayaa doonayay farxad darteed”

“Farxaddii ayaan ku iloobay kolkii aan helay uu ila hadlay uuna iska iloobay oo aan fududaayay” ayay tidhi hooyo Caasha.

Mo Faarax- ‘sida sharci darrada ah uu ku galay UK’

Oradyahanka Mo Farah ayaa Ingiriiska lagu keenay qaab sharci darro ah isagoo canug yar ah, waxaana lagu qasbay in uu guri shaqaalo ka noqdo, sida uu shaaciyey.

Ciyaaraha olimbikada ayaa BBC da u sheegay in loo bixiyey magaca Maxamed Farah oo ay u bixiyeen dadkii kasoo tahriibiyay dalka Jabuuti Magaciisa dhabta ahna uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Waxaa Jabuuti ka soo kaxeeyey isagoo 9 jir ah haweenay uusan waligii la kulmin, kadibna waxaa ay haweenaydaasi shaqaalo oga dhigtay caruur kale, sida uu sheegayo Mo Farah.

Orodyahanka orda masaafada dheer ayaa horaan sheegay in uu ka yimid Somaaliya oo waalidiintiisu ay yihiin qaxooti. Laakiin filim dokumentari ah oo ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull Studios, oo ay BBC-du aragtay, lana sii deyn doono Arbacada, ayuu ku sheegay in waalidkii aanay waligood tagin UK – hooyadiis iyo labo walaalihiis ah ay ku noolyihiin beerta qoyskooda oo ku taalla jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Mo Farah Aabihiis, Cbdi, waxaa lagu dilay is rasaasayn xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya xilligaas oo Mo Farah uu ahaa afar sano jir. Waxaa ay u sheegtay haweeneeyda in Yurub loo geynayo in uu eheladiisa hakaasi kula noolaado. Taas oo ahayd wax farxad galiyey sida uu sheegayo. “Waligay diyaarad ma raacin,” ayuu yiri.

Haweeneyda ayaa ku war galisay in uu yiraahdo magacaygu waa Maxamed. Waxaa uu sheegaya in ay heysatay documentiyada socdaalka oo been abuura.

Mo Faarax iyo mowqifka UK

Mo Farah ayaa sheegay in uu “nafisay” markii uu xafiiska Waaxda Arrimaha Gudaha ee UK sheegay in uusan wax tallaabo ah ka qaadi doonin ciyaaryahankan, kaddib markii uu shaaca ka qaaday in uu UK kusoo galay si sharci darro ah.

Xiddigga ciyaaraha Olympic-ga ayaa Isniintii markii ugu horraysay soo bandhigay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Britain ku qaatay magaca Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax waxa uu ahaa magac ay siiyeen dadkii waddanka UK sida sharci darrada ah kusoo geliyay.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa BBC-da u sheegay in aysan baaritaan ku samayn doonin ciyaaryahanka oo loo yaqaanno Sir Mo.

“Waan ku nafisay taas,” ayuu ku yiri wareysi uu Mo Faarax maanta siiyay barnaamijka BBC Radio 4.

“Kani waa waddankayga. haddii uusan ahaan lahayn [macallinkeyga maaddada ciyaaraha] Alan iyo dadka i taageeray carruurnimadeydii oo dhan, waxaa laga yaabi lahaa in aanan heli lahayn dhiirranaanta aan sidan ku sameeyay.”

@Bbc Somali