Ex Madaxweyne Rayaale oo ka hadlay wadahadallada xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka

Hargeysa-(Berberanews)-“Natiijo kasta oo ka soo baxda wadahallada Xukuumadda iyo Asxaabta Mucaaradka u socdaa waxay wax ka beddelaysaa xaaladda cakiran ee bilihii u dambeeyey dalkeennu galay.
Siyaasiyiin ka mid ah saaxiibbadda iyo daneeyayaasha Somaliland oo qaarkood ila soo xidhiidheen ayaa ila wadaagay in khilaafka ka taagan Somaliland iyo dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinku uu werwer weyn ku hayo, iyagoo walaac ka muujinayey dimoqraadiyadda Somaliland.
Dhankayga waxaan u iftiimiyey in Somaliland leedahay waxgarad marka siyaasiyiintu isqabtaan dhexgala, is-faham la’aanta iyo Khilaafkuna waa sunnaha dawladnimada.
Natiijo shacabka Somaliland ka farxisa ayaan rajaynayaa in ay ka soo baxdo shirka wada hadalka ah ee u furmay Madaxda Xukuumadda iyo Madaxda Xisbiyada.”

Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii 3aad ee Jamhuuriyadda Somaliland.