Cirro  oo ka hadlay kulan dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiyada

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo warbixiyey kulankii maanta, shaaciyeyna waqtiga la soo afjari doono khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka

“Wada-hadallada u furmay xisbiyada mucaaradka oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ah oo ay dhexdhexaadinayaan labada guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/July/2022, waxa kulan wada-hadal ah foodda isku daray labada Xisbi-mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ahaa. Waxa dhegaysanayey doodda labada dhinac Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Markii dooddu dhammaatay waxa labada oday ee dhexda ahaa qabteen ballan kale oo labada dhinac berri isugu yimaaddaan iyo kulanka loo dhan yahay ee Axadda oo la filayo in ay odayada dhexda ah ku soo saaraan go’aan lagu wada qanco oo gartii la dhegaystay iyo caddaalad ku dhisan.
Insha Allaahu guul ayey ku dambayn.”
Sidaa waxa bartiisa Facebook ku qoray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan.