Wada-hadal Telefoon oo dhexmaray Putin iyo Erdogan

Ankara-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa qorsheynaya inay kulmaan mustaqbalka dhow ka dib markii ay ku wadahadleen khadka taleefoonka kaasoo ay kaga wadahadleen dadaallada lagu fududeynayo dhoofinta badarka ee Ukraine, Kremlin ayaa sidaas sheegtay Isniintii.

Turkiga ayaa dhexdhexaadin ka dhex waday Moscow iyo Kyiv tan iyo markii Ruushku u diray ciidamadiisa hubaysan ee Ukraine bishii February 24.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee wakiilada Ruushka iyo Ukraine ayaa ka dhacay Istanbul dhamaadkii bishii March.

Kremlin-ka kamay bixin war  dheeri ah kadib markii ay soo saartay bayaan ku saabsan wada-hadalka taleefanka.
“Aragtiyo is dhaafsi ah oo ku saabsan xaaladda Ukraine ayaa sii socotay, oo ay ku jirto xaaladda isku dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadada socodka badda madow iyo dhoofinta badarka ee suuqyada caalamka,” ayaa lagu yidhi.

Wakaaladda wararka ee Anadolu oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Erdogan uu Putin u sheegay isniintii in la joogo waqtigii la qaadi lahaa qorshaha Qaramada Midoobay ee ah in la sameeyo marin badeed laga dhoofiyo badarka Ukraine ee sii mara badda madow.

Tan iyo bilowgii colaadda, Ukraine, oo ka mid ah kuwa ugu wax soo saarka badan adduunka, ayaa awoodi wayday inay isticmaasho dekedaha, waxay ahayd marinka ugu weyn ee laga dhoofiyo, waxayna awood u leedahay inay dhoofiso saddex meelood meel oo keliya oo ka mid ah Qamadiga ay markii hore u diri lahayd dibadda. .

La’aanta hadhuudhka Yukreyn ayaa ka caawisay in ay sare u kacdo qiimaha cuntada adduunka waxayna sii kicisay welwelka ku saabsan haqab-beelka cuntada.