SETH J FRANTZMAN: Israel waxay doonaysaa heshiis ay la gasho Somaliland

Israel-(Berberanews)’Telefishan laga leeyahay Israel, oo lagu magacaabo Channel 12, ayaa sheegay Sabtidii July 9, 2022 in Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, uu u sheegay saraakiil sare oo Maraykan ah in uu soo dhawaynayo hadii Israel ay doonayso in ay cilaaqaad la yeelato Somaliland.

Isla warkan ayaa waxa qoray maanta Times of Israel oo ah joornaal ka soo baxa Jerusalem.

Bishii May, ayaa safaarada ay Israel ku leedahay Faransiiska ayaa casuuntay saxafiyiin Faransiis ah iyo dibloomaasiyiin Afrikaan ah.

Dibloomaasiyiinta ayaa waxa ku jiray siyaasiyiin ka yimid Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Difaaca Somaliland.

Seth J. Frantzman oo macalin ka ah jaamacada Al- Qudz,ayaa yidhi:” Israel waxa ay doonaysaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ula heshiiso Somaliland, iyada oo wakhtigan uu Maraykanka ka yagleelayo saldhigyo militari magaalada Berbera”.

Yigal Palmor oo ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Israel sanadkii 2010, ayaa u sheegay Haaretz Daily in Israel waxba aanay ka horjoogin in ay aqoonsato Somaliland, laakiin wakhtigaas ilaa iyo hadda ma jirto wax cilaaqaad ah oo u dhaxeeya Israel iyo Somaliland.

Xogta waxa soo ururiyay Axmed Adan