Muqdisho: Isu soo bax lagu taageeray soo celinta askarta Somalia ee Eritrea jooga

Muqdisho-(Berberanews)-Qaar ka mid ah waalidiinta askarta Somalia kaga  maqan dalka Eritrea ayaa ku qabtay Muqdisho isu soo bax ay taageerayaan in la soo celiyo ubadkooda tobabarka u jooga halkaa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga dalka Eritrea ayaa shalay la kulmay ciidamada Soomaalida ee tababarka u joogay dalkaas.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hadheeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia.

Waalidiinta qaar, ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xidhiidha caruurtooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xadhiidha xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu raacay sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo si gaar ah u haya xogta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea.