Khubaro caalamiya oo ka hadlay dhismayaal Milateri oo Maraykanku ka wado Berbera

Berbera -(Berberanews)-Gerjon Gharbone oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mosad, waqtiganna ku nool dalka Netherland, ayaa markii ugu horreysay sheegay maanta in magaalo-xeebeedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka socdaan dhismaha 4 xarumood kuwa millateri ah, kuwaas oo hoy u noqon doona ciidammada Maraykanka oo halkaas ka furanaya saldhig weyn oo ciidan dhowaan.

Sidoo kale, Graigner Christopher oo ah falanqeeye, ayaa isaguna sheegay in xarunta xammuulka diyaaradaha Maraykanka ama (Regional Freight Centre) dhismahiisu dhowaan ka bilaabmi doono magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.
Sawir ay qaadday National Geospastial Intelligence oo ka mid ah Sirdoonka Maraykanka, xarunteedana tahay magaalada Richmond ee Gobolka Virginia, ayaa muujinaya in xarunta afraad oo loogu talogalay diyaaradaha xammuulka ee millateriga ay masaafo ahaan ka fog tahay xarumaha kale ee ciidammada Maraykanku ka dhisanayaan Berbera, taas oo dhismaheedu haatan ka socdo goob ku taal gudaha xayndaabka Madaarka Berbera oo hore dawladda Imaaraadka Carabtu uga samaysay saldhig ciidan.