Hindiya oo Maxkamadaynaysa Suxufi Muslim ah

India-(Berberanews)-Maxkamad ku taalla gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa kordhisay xadhigga wariye Muslim ah oo wajahaya eedeymo la xidhiidh inuu faafiyay colaadda u dhexeysa qowmiyadaha dalka Hindiya.

Mohammed Zubair, oo ah aasaasaha website dabagalka dhacdooyinka qaabilsan, ayaa la xidhay laba toddobaad ka hor, waxaana laga yaabaa inuu hadda ku jiro ugu yaraan laba toddobaad oo kale xabsiga.

Waxaa lagu baadhayaa dhowr dhacdo, oo ay ku jiraan dhaleeceyn uu u jeediyay dadka Hinduuga ah ee mayalka adag, iyo telefishin uu ku eedeeyay hurinta rabshadaha.

Hadda waxa uu wajahayaa suurtagalnimada in la geeyo Maxkamadda Sare salaasada. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in xukuumadda Hindu-ga ah ee BJP ay sii kordheyso tallaabooyin ka dhan ah suxufiyiinta iyo dadka dhaleeceya. Maamulka Hindiya ayaase beeniyey arrintaas.

@Bbc Somali