Hargeysa oo aas qaran loogu sameeyay dhallinyaro shil ku dhintay

Hargeysa-(Berberanews)-Alle haw naxariistii waxaa maanta aas qaran loo dameeyay sadeex dhallinyaro ah oo ka mid ahayd ardaydki kasoo baxday Barnaamijka Shawo Qaran, Kuwaas oo ku geeriyooday shik baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Gabiley maalintii Ciidda.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka tacsiyeeyay qoyska qaraabada iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.

Dhambaalka tacsida ee kasoo baxday Madaxweynaha Somaliland ayaa u qornaa sidan;- “

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Dhammaan Dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran, Bahda Caafimaadka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-

1. Faysal Muxumed Muuse

2. Cabdisalaan Cismaan Cabdilaahi

3. Axmed Maxamed Xasan

Dhallinyaradaas oo ku geeriyooday maalin-nimadii Ciidda, taariikhdu ahayd 09/07/2022, Duleedka Kantaroolka Galbeed ee Hargeysa shil baabuur, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo sababay dhimashada saddexda wiil iyo hal qof oo dhaawac ah oo uu isna madaxweynuhu u ducaynayo in Alle u boogo dhayo.

Saddexda marxuum oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo aflaxday Barnaamijka shaqo Qaran, wakhtiganna ka mid ahaa hawl-wadeennada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayuu Madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Dhammaan Dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran, Bahda Caafimaadka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. “