Ethiopia: Cimilo qasabtay duulimaadyada inay ka leexdaan madaarka weyn Bole

Ethiopia-(Berberanews)-Xaalada cakiran ee cimilada subaxnimadii isniinta ee caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa ku qasabtay duulimaadyadii inay ka leexdaan garoonka caalamiga ah ee Bole.

Mareegaha dabagalka xogta duulista ee Flight Radar 24 iyo Flight Aware ayaa muujiyay duullimaadyo ka yimid Beirut, Dubai iyo Toronto oo lagu qasbay inay ku degaan garoomo kale.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in duullimaadyadii dhoofayay ay dib u dhaceen balse may sheegin tirada guud ee duullimaadyada ay saameysay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa sidan oo kale waxaa hakad galay howlihii shaqo ee garoonka kadib cimilo aad u daran, waxaana duulimaadyadii diyaarada loo weeciyey magaalooyinka gobolka iyo dalalka deriska la ah.

Barta Twitter-ka, hal qof oo rakaab ah ayaa wadaagay muuqaal fiidiyoow ah oo ku saabsan duulimaadkii ay ka soo raaceen London oo ku degayay magaalada Awassa ee koonfurta Itoobiya halkaas oo loo weeciyay: