“Weli Madaxtooyada Somaliland kamaan heesin” Sahra Halgan

Fanaanada Sahra Halgan ayaa sheegtay in aanay weligeed ka heesin Madaxtooyada Somaliland, iyadoo kamid ahayd dadkii halganka kasoo qaybqaatay.

Waxay sheegtay in sababta ay usoo halgantay ay ahayd inay ka heesto meel xor ah oo madaxdeedu fadhido.

Sahra Halgan ayaa tidhi;

“Anigu waxaan usoo halgamayay meel xor ah oo qurux badan oo madaxdaydu fadhido inaan ka heeso weli Madaxtooyada Somaliland kamaan heesin. Miyay logic tahay anoo 91kii Burco ka heesayay oo intaa 18May jirtay heesayay, Habeen baan madaxtooyada tagoo way qurux badnayd oo waxaan idhi hal hees maku darsadaa, waxaa laygu yidhi Programmeka kuma jirtid”