Weftiga Itoobiya oo ka hadlay qodobadda heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Wefti culus oo ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo labadii maalmood u dambeeyey socdaal ku joogay caasimadda Hargeysa, ayaa ka hadlay heshiis iskaashi oo dhexmaray xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, ahna La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr Redwan Hussein oo ka mid weftiga xukuumadda Addis Ababa, ayaa si kooban uga hadlay qodobadda heshiis ay kala saxeexdeen Wasiirka Khaarajiga  Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud maanta.
Qoraal Wasiir Redwan Hussien ku baahiyey bartiisa Twitter-ka caawa, waxa uu u qornaa sidan:
“Weftigayagii ka socday dawladda Itoobiya oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxa casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Somaliland H.E. Muuse Biixi xalay.

Waxa lagu heshiiyey sidii wax looga qaban lahaa arrimaha taagan ee ganacsiga iyo isu socodka iyo iskaashiga ballaadhan. Sidoo kale, waxa la isku raacay in la sameeyo guddi isku dhaf ah.”