Jaoan-(Berberanews)-Raysal wasaarihii hore eeJapan, Shinzo Abe, ayaa maanta toogasho lagu dilay isagoo jeedinaya khudbad.
Wuxuu ka qeybgalayay olole siyaasadeed markii qof ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta uu rasaas ku ekeeyay Abe oo masraxa saarnaa. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Nara.
Muuqaalkan hoose waxa uu muujinayaa wax yar ka hor inta aan la tooganin Shinzo Abe. Muuqaalka ayaa sidoo kale tusaya ninka toogashada lagu tuhunsan yahay oo la qabtay
Qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe
• Abe ayaa olole doorasho ka waday magaalada Nara oo qiyaastii 300 km u jirta caasimadda Tokyo.
• Wuxuu jeedinayay khudbad uu ku taagerayay murashax u taagan baarlamaanka deegaanka oo lagu magacaabo Kei Sato oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalk sare.
• Saacaddu markay ahayd 11:30 am ayaa waxaa la maqlay rasaas iyadoo Abe laba jeer laga toogtay qoorta.
• Markiiba dhulka ayuu ku dhacay waxaana loola cararay isbitaalka ugu dhawaa goobta
• Booliska ku sugnaa goobta ayaa qabtay ninka toogashada gaystay, waxaana lagu hayaa hadda saldhig boolis oo ku yaalla magaalada.
• Qori dhulka yaalla ayaa la arkayay. Waxaa jira warar sheegaya in ninka uu adeegsaday qori macmal ah oo guri ku sameys ah balse wali lama xaqiijinin.
• Ka dib sacaado lagu daweynayay isbitaalka, Abe waxaa la sheegay inuu dhintay 05:03 pm wakhtiga dalkaasi.
@Bbc Somali